Ra’iisul Wasaree ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Maaliyadda iyo Xannaanada xoolaha, iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta magaalada Riyaad kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sucuudiga, Dr. Ibrahim bin Abdul Aziz Al-Assaf ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo xaalada Gobolka Geeska Afrika.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirrada kale ayaa ku-xigeenka wasiirka maaliyadda ee sucuudiga, Dr. Hamad bin Suleiman Al-Bazai kala hadlay qorshaha dib-u-qaabaynta dhaqaale ee Soomaaliya, iyaga oo sidoo kale ku-simaha wasiirka ganacsiga kala hadlay adkaynta xariirka ganacsi ee taariikhiga ah ee Sucuudiga iyo Soomaaliya.
Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee kulamada uu la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo kala ah wasiirka arrimaha dibada, wasiir ku-xigeenka maaliyada iyo sii hayaha wasiirka ganacsiga, iyo ku-xigeenka madaxa Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga, ayay ka doodeen xariirka isku tolan ee labada dawladood.



