Wararka laga helayo Xafiiska Q/Midoobay ayaa sheegaya in inta badan wakiilada Beesha Caalamka ay ka horjeesteen mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaan Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jwaari).
Kadib qoraalkii kasoo baxay Beesha Caalamka ee sida weyn loogu sheegay welwelka beesha caalamku ka qabto xiisadda siyaasadeed ee ka taagan baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa ka muuqatay in si toos ah ay u qaateen warkii Guddoomiye Jawaari ku sheegay in xukuumadda ay qabsatay xarunta Baarlamaanka, waxaana kadib soo baxay xiriiro toos ah oo lagu dalbanayo in la joojiyo Mooshinka Jawaari.
Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo ka hadlayey dood magaalada London ka dhacday oo uu soo qabanaabiyey ururka ODI ayuu si cad ugu sheegay in mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari uu burburay, iyo jiritaanka mooshin laga wado Ra’iisal wasaaraha.
Mr. Keating ayaa qiray in mooshinadda ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya, isla markaana dalkaasi uu aad u liito nidaamka garsoorka, halka musuqmaasuqu si weyn ugu fiday.
HOOS KA DAAWO