Madaxad Madasha Qaran ayaa la sheegay inay shir kale ku yeelan doonaan magaalada Muqdisho, kadib markii ay sidaasi ka dalbadeen wakiilada Beesha Caalamka.
Shirkan ayaa la sheegay inuu maalint beri ah ee 10-ka Oktoobar ka furmi doono magaalada Muqdisho, waxaana looga hadli doonaan arrimaha cakiran ee doorashada 2016 oo ay ka mid yihiin:
- Diidmada xubnaha kasoo jeeda Somaliland ee ku sugan Muqdisho
- Arrinta maamulka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan
- Dhaqaalaha Doorashada
Qodobka ugu adag ee horyaalla Guddiga Doorashada ayaa ah diidmada ay doorashada qaadaceen xubnaha kasoo jeeda Somaliland, arrintan oo ka sii dartay una baahan xal degdeg ah.
Waxaa kaloo xalin u baahan qaabka Aqalka sare ay u dooranayaan haddiiba heshiis laga gaaro arrinta Somaliland iyo cidda dooraneysa. Guddiga Doorashada Dadban ayaa dalbanaya in xal loo helo arrimaha harsan si mar kale aanay doorashadu dib ugu dhicin.
Wadani.com