Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Wakiilka Q/Midoobay oo War kasoo saaray socdaalkii Wakiilada Beesha Caalamka ee Garowe (Warbixin)

    Wakiilka Q/Midoobay oo War kasoo saaray socdaalkii Wakiilada Beesha Caalamka ee Garowe (Warbixin)

    September 26, 2021Updated:September 26, 20213 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa soo saaray warbixinta socdaalkii ay wakiilada Beesha Calaamka maanta ku tageen magaalada Garowe.

    Hoos ka akhriso Arrimihii ay ka wadahadleen madaxda Puntland iyo hadalkii uu warbaahinta u jeediyey Wakiilka Qaramada Miudoobay:


    Waxa aan jeclaan lahaa in aan ku billaabo mahadcelinta Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo kooxdiisaba soo-dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen xubnaha waftigeenna ee soo booqday maanta.

    Waxaa booqashada igu wehliya Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann; iyo Danjiraha Sweden ee Soomaaliya, Danjire Per Lindgarde.

    Booqashadeenna maanta waa tii u dambeysay ee ay Saaxiibbada Caalamku la yeesheen Madaweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waxa ayna ka tarjumeysaa xiriirka iyo wada-shaqeynteenna joogtada ah ee aanu sida wadajirka ah ugu baadi-goobeyno inaan Soomaaliya ka kaalmeyno sidii ay ku heli lahayd xasillooni ballaaran. 

    Kulanka aan la yeelanay Madaxweyne Deni iyo Golahiisa Wasiirrada waxa aanu uga hadalnay arrrimo heer deegaan iyo heer qaranba ah, annaga oo si gaar ah diiradda u saarnay doorashooyinka soo socda ee Puntland iyo kuwa Federaalka. 

    Waxa aanu aad ula dhacnay horumarka ilaa hadda laga sameeyey doorashooyinka dowladaha hoose, gaar ahaan sida ay u socoto shaqada ay wadaan Guddiga Doorashooyinka Puntland (TPEC).

    Wajiga koobaad ee doorashooyinka dowladaha hoose – oo ka dhacaya Eyl, Ufeyn iyo Qardho– ayey naga xigtaa muddo afar todobaad ah, iyaga oo ku aaddan 25 Oktoobar.

    Waxa aan ku bogaadineynaa Guddiga Doorashooyinka Puntland (TPEC), shacabka iyo dowladda Puntland sida ay uga go’an tahay qabashada doorashooyin toos ah, sida uu dhigayo dastuurka Puntland.

    Haddii ay si guul leh ku dhammaaadaan, doorashooyinkan tooska ahi ee dowladaha hoose waxa ay tallaabo muhiim ah u noqon doonaan in la muujiyo sida ay suurta-gal u tahay qabashada ‘doorasho qof iyo cod ah’ oo ka dhacda Soomaaliyada maanta. 

    Marka ay timaado doorashooyinka federaalka, waxa aan soo dhoweynay dhammeystirka Puntland ee doorashooyinkii Aqalka Sare.

    Waxaan sidoo kale ka hadalnay in degdeg loogu gudbo marxaladda xigta ee doorashooyinka federaalka ee Golaha Shacabka. Waxaan sidoo kale la wadaagnay walaaca beesha caalamka ee ku aaddan khataraha ay khilaafaadka siyaasadeed ee socda ee u dhexeeya hoggaamiyeyaasha qaran u geysan karaan geeddi-socodka.

    Madaxweyne Deni iyo waftigeennu waxa ay isku raaceen in ay waajib tahay in ay madaxda Soomaaliya sii wadaan wada-shaqeynta, si waafaqsan midnimada qaranka, si ay uga heshiiyaan khilaafaadka. Waxa aan ku boorrineynaa dhammaan in hore loo socdo si looga mira-dhaliyo dadaallada loogu jiro qabashada doorashooyin qaran oo lagu kalsoonaan karan oo wakhtigooda ku dhaca si waafaqsan Heshiiskii 27-ka Maajo.

    Hal duluc oo muhiim ah oo wada taabaneysa doorashooyinka heer dowlad hoose iyo mid qaranba ayaa ah ka-qeyb-galka haweenka. Waxaa muhiim ah in geedi-socodyadu tixgeliyaan xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay si buuxda uga qeyb galaan dhammaan dhinacyada nolosha guud, iyo in qoonadada ugu yaraan boqolkiiba soddon ee metelaadda haweenku laga gaaro doorashooyinka Golaha Shacabka.

    Ugu dambeyn, waxa aan xoogga saarnay  inta lagu guda jiro geeddi-socodka doorashada, in ay si gaar ah muhiim u tahay in la xaqiijiyo fagaare siyaasadeed oo loo dhan yahay- iyada oo la adeegsanayo xorriyada hadalka, adeegsiga warbaahinta, xorriyadda isu-imaatinka iyo qabanqaabada – si codadka oo dhan loo maqlo.

    Madaxweyne Deni, waxa aan mar kale adiga, xukuumadda iyo shacabka Puntland uga mahadcelineynaa soo-dhoweynta diirran ee aad noo fidiseen booqashadeenna maanta.

    Mahadsanidiin.

    Garowe James Swan UNSOM
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Qorsheynta oo laga hor istaagay inuu Magaalada Garowe la galo Gaadiid Ciidan iyo ilaalo
    Next Article Dib u dhac ku yimid Hadal-jeedintii Musharixiinta Aqalka Sare ee kasoo jeeda Somaliland & Faragelin..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo