Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay jadwalka dhameystirka maamulka shirka Cadaado iyo dooroshooyinka dowlad Goboleedka cusub ee Galmudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiramaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa u mahad-celiyay Odayaasha Dhaqanka, Guddiga Farsamadda, Maamulka Xumin iyo Xeeb iyo dhammaan saaxiibadda beesha caalamka sida hufan ee ay uga qeyb qaateen dhismaha maamulka gobolladda Mudug & Galgaduud.
Wasiirka ayaa sheegay in muddo labo toddobaad gudahood ah la qaban doono doorashooyinka Gudoonka Baarlmaanka, Madaxweynaha & Ku xigeenkiisa.
Sidoo kale, Wasiir Odowaa ayaa sheegay in maalinta berri ah la dhaarin doono inta badan xubnaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, kadibna la gudageli doono doorashooyinka madaxa hogaanka maamulka.
Jadwalka Dhameystirka Dhismaha Dowlad Gobolleedka Galmudug.
21/6/2015 – Sameynta kaararka aqoonsiga Xildhibaanadda
22/6/2015 – Xafladda dhaarinta Xildhibanadda, Magacaabista shir guddoon KMG
24/6/2015 – Sameynta Guddiga Doorashooyinka Gudoonka Baarlamaanka
27/6/2015 – Doorashadda Guddoonka Baarlamaanka
29/6/2015 – Sameynta Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa
30/6/2015 – Qabashadda Liiska Musharaxiinta
02/7/2015 – Dhageysiga Khudbooyinka Musharaxiinta
04/7/2015 – Doorashadda Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa