Wafdi uu hogaaminayay guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud iyagoo ka anbabaxay magaalada Muqdisho, waxaana si diiran ugu soo dhoweeyay xubno uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha C/raxmaan Odowaa oo ay ka mid yihiin madaxda maamuladii ku midoobay maamulka cusub ee Galmudug, guddiga farsamada iyo ergooyinka shirka qaarkood.
Xaflad lagu dhaarinayo xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee maamulka gobolada dhexe ayaa dhowaan la filayaa inay ka bilaabato magaalada Cadaado iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka uu furi doono caleemo saarka Baarlamaan Goboleedkan.
Guddiga farsamada shirka Cadaado oo xaflan soo qabanqaabiyay ayaa sheegay in xaflada dhaarinta xildhibaanada ay xigi doonto doorashada guddoomiye kmg ah oo noqon doona qofka ugu da’a weyn xubnaha xildhibaanada cusub, kadibna ay bilaaban doonto sameynta guddi doorasho oo qabanqaabin doona doorashada guddoonka baarlamaanka.
Waa markii ugu horeysay ee guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ku lug yeesho dhismaha maamulada kmg ah ee dalka iyadoo ay soo if baxeyso is-baheysiyo iyo iska horjeed dhex yaala maamulada dalka ka jiray iyo kuwa cusub ee sameysmay.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]