Maamul KMG ah ee Juba ayaa soo saaray qoraal yaab leh isagoo Puntland kula saftay go’aankii ay ka qaadatay maamulka cusub ee Galmudug. Afhayeenka maamulka KMG ah ee Juba C/naasir Seeraar ayaa war saxaafadeed uu ku saxiixan yahay lagu sheegay inay taageerayaan mowqifka Puntland ee arrimaha gobolada dhexe iyo Federalism-ka.
Qoraalkan ayaa hadduu sax noqdo inuu ka soo baxay maamulka Juba waxay caddeyn u tahay sida federaalka la qabyaaladeeyay uga shaqeynayo Soomaalida maanta, waxaana muuqaalkii ugu horeeyay yeelanaya isbaheysi degaan iyo qabiil ku dhisan oo ay yeelan doonaan maamulada dalka ka jira.
Maamulka K/Galbeed ee Shariif Xasan hogaamiyo ayaa si buuxda u taageersan maamulka cusub ee gobolada dhexe, iyadoo socdaalka uu guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari ku tegay Cadaado tilmaan u yahay xaaladda cusub ee la gelayo. Waxaa hadda muuqda in laba qeybood oo kala jaban yahay iyadoo dowladda federaalka madaxdeedana ay taageerayaan qeybta K/Galbeed + Galmudug-ta cusub.
HOOS KA AKRI QORAALKA JUBA
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]