Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»RIDWAAN XAAJI : “Waxaan iska Casilay Xilka Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya”

    RIDWAAN XAAJI : “Waxaan iska Casilay Xilka Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya”

    June 22, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Afhayeenkii xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu dowladda u hayay, qoraal uu soo dhigay bartiisa FB ayuu Ridwaan Xaaji C/weli sabab uga dhigay is casilaadiisa arrin isaga u gaara oo aanu faahfaahin ka bixin.

    HOOS KA AKHRI QORAALKA IS CASILAADDA RIDWAAN

    RIDWAN

    Maanta oo ay taariikhdu tahay 22/06/2015, waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan iska casilay xilkii aan u hayey Qaranka Soomaaliyeed labadii sano ee la soo dhaafay ee ahaa Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo La-taliyaha Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha, anigoo warqaddii istiqaalada u gudbiyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Runtii, sharaf weyn ayey ii ahayd inaan mudadaasi u soo shaqeeyo dalkayga, xilligan oo dalku marayo duruufo adag oo aan rajaynayo in qaranku ka gudbi doono.

    Sababta xilkan aan uga tegay waa mid aniga ii gaar ah. Laakiin, waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddaynayaa inaan mar walba u taagnaan doono ka shaqaynta dhismaha qaran Soomaaliyeed iyo u-adeegidda dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

    Mudadii aan sida dhow ula shaqaynayey Xukuumadihii kala duwanaa ee ay Ra’iisul Wasaarayaasha ka ahaayeen Mudane Cabdi Faarax Shirdoon, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaa jiray horumaro la taaban karo oo loo qaaday dhinaca wanaagsan.

    Dhinacyada uu dalku horumarka ka sameeyey waxaa ka mid ah siyaasadda, amniga, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

    Inkastoo aan sheegay horumaradaasi, waxaa hadana jira caqabado wiiqaya taabbagalka guulahaasi la xaqiijiyey, haddii aanay hoggaanka dalka iyo shacabkuba iska kaashan arrimaha ay ka mid yihiin xoojinta midnimada dadka Soomaaliyeed, ilaalinta xasiloonida siyaasadda, dhiirrigelinta dib-u-heshiisiinta, adkaynta caddaaladda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, dhismaha iyo tayeynta hay’adaha Dawladda iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada iyo weliba abuuritaanka fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

    Soomaaliya waxay ku socotaa jidka horumarka, dimuquraadiyadda iyo dib-u-dhiska, laakiin si loo xaqiijiyo hiigsiga siyaasadeed iyo himlooyinka shacabka Soomaaliyeed waxaa loo baahan yahay in madaxdu ay ka dhababeeyaan go’aanka dalka lagu gaarsiinayo doorashooyin xor ah si awoodda dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed, oo iyagu ay soo doortaan cidda hoggaaminaysa ama wakiilka uga noqoneysa siyaasadda dalka.

    Doorashooyin xor ah oo la gaaro iyo talada oo ay shacabku yeeshaan, waxay horseedaysaa in la helo madax karti leh iyo in laga gudbo nidaamka qabyaaladeed ee dalka ka jira oo aanu arko mid fashilmay oo aan u adeegayn dhismaha qaran Soomaaliyeed iyo masaalixda ummaddeena.

    Intaa markaan ka gudbo, waxaan doonayaa inaan halkan si qalbi furan ugu mahadceliyo madaxdii, hawlwadeendii iyo bahda warbaahinta oo dhammaantood xiriir iyo wada shaqayn wanaagsan na dhex maray mudadii aan xafiiska joogay.

    Waxaa kaloo aan u mahadcelinayaa qoyskayga iyo saaxiibo badan oo igu dhiirigaliyay in aan qabto shaqadan oo dad badani ay khatar inteeda le’eg ay u arkayeen.

    Ridwaan Xaaji Cabdiweli
    Email:[email protected]m
    Twitter:@Ridwaanhaji

    [ad name=”HTML-1″]

    [ad name=”HTML-6″]

    IS CASILAAD Ridwaan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAxmed Madoobe oo Puntland la saftay & Dowlad Goboleedyada oo noqday laba isbaheysi oo iska horjeeda
    Next Article Xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la dhaariyay & kulankoodii ugu horeeyayna yeeshay (SAWIRO)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo