Xildhibaanada cusub ee maamulka Gobolada dhexe oo hadda la baxay GALMUDUG ayaa maanta dhariyey intooda badan, kadib xaflad ka dhacday hoolka shirarka Kafaalo ee magaaalada Cadaado, iyadoo guddigii farsamada shirkaasi uu xilka iska wareejiyay, kuna dhawaaqay in howshooda ay ku dhammaatay dhaarinta xildhibaanada Galmudug.
Guddoomioyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay xafladii dhaarinta uu kaso qeybgalay munaasabadda dhaarinta xildhibaanada Galmudug, wuxuuna halkaasi ka jeediyay khudbad bogaadin iyo dardaaran isugu jirta.
Kulankii ugu horeyay ee xildhibaanada cusub ayaa qabsoomay iyadoo uu furay guddoomiya Jawaari, waxaana lagu wadaa sida ay shaacisay wasaarada arrimaha gudaha in isla toddobaadkan la doorto gudoonka Baarlamanka Galmudug.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]