Thursday, May 15, 2025

WAR CUSUB: Ahlu Sunna oo ku dhawaaqday inay furtay shir maamul loogu dhisayo Gobolada dhexe

Kooxda Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe oo  dhowaan qabsatay magaalada Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqday inay furayaan shir maamul loogu sameynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud oo iyagu ay hogaankiisa leeyihiin.

ahlusuna-sax

Guddoomiyaha guddiga fulinta ee Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali  oo  sii hayaha  xilka ayaa Dhuusamareeb ka sheegey inay fidiyeen gogol balaaran oo looga arinsanayo maamul ay yeeshaan gobolada Mudug iyo Galgaduud. Wuxuuna intaas ku  daray inay horayba u socotay gogosha Ahlu suna, balse ay hakad ka gashay.

Ad

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa si cad u sheegay inay dardar gelinayaan shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee Ahlu suna, ayna ku casuumayaan dhammaan inta uu quseeyo.

Go’aankan yaabka leh ayaa soo baxaya iyadoo maanta la dhaariyay xildhibaanada maamulka cusub ee gobolada dhexe, lana filayo in la doorto guddoon Baarlamaan iyo madaxweyne shirka ka socda Cadaado. Arrintan ayaa loo arkaa caqabad hor leh oo kooxdani la timid iyadoo heysata degaano ka mida Galgaduud.

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON