Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyey xilliga uu furmayo kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.
Kulanka Guddiga joogtada waxaa guddoominayey guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan waxaana ajendihiisu ahaa furitaanka kalfadhiga 5-aad iyo ajendayaasha looga doodayo.
Go’aanka Guddiga ayaa noqday in 27-ka Maarso oo ku beegan maalinta Arbacada ee soo socota uu si rasmi ah u furmaya kalfadhiga 5-aad ee Golaha, iyadoo lagu wado inuu ka qeyb galo furitaankiisa Madaxweynaha Soomaaliya.
Khilaadkii labada Aqal ee baarlamaanka ayaa weli taagan, iyadoo aqal kasta uu iskiisa u furanayo kalfadhigiisa, kadib markii madaxweyne Farmaajo aanu ku guuleysan inuu xal u helo khilaafka dhex yaalla.