Amar kasoo baxay kooxda Alshabaab ayaa la sheegay inuu ka dhaqan galay degmooyin ka mida caasimadda Muqdisho, iyadoo la xiray goobo ganacsi oo amarkaasi uu saameyn ku yeeshay.
Warka ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay soo saareen amar lagu joojiyay ciyaaraha kubadd cagta ee lagu ciyaaro garoomada sallaxa ee ah ee ku yaalla Degmooyinka Yaaqshiid, Heliwaa iyo Karaan, sida ay Idaacadda Kulmiye u sheegeen Milkiiliyaasha garoomadaasi.
Amarkan ayaa ku kooban Garoomada Ciyaaraha ee ku yaalla wixii waqooyi ka xiga Wadadda 30-ka ee magaalada Muqdisho, waxaana milkiiliyaasha qaar looga yeeray gobolka Shabeelaha Hoose xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin.
Kulanka Al-Shabaab iyo Qaar ka mid ah Ganacsatada Garoomadaasi ayaa ka dhacay degaanka Toora-toorow ee gobalka Shabeelaha Hoose sida Idaacaddu sheegtay, iyadoo amarka Al-Shabaab uu saameeyay wax ka badan ilaa 20 Garoon oo Fustal-ka ah oo ku kala yaala Yaaqshiid, Kaaraan iyo degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir.