Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa diiday go’aan kasoo baxay Maxkamadda Sare ee dalka oo sharci darro ka dhigay kuraaska 8 xildhibaan oo ka mida Golahaasi.
Kulankii maanta Golaha Shacabka ayaa looga hadlay go’aanka maxkamadda sare, waxaana cod ay u qaadeen go’aanka Maxkamadu ku laashay 26-kii Bishii May.
Xildhibaanada ayaa Cod aqlabiyad ah ku ansixiyay sidii la fiayay in 8-da Xildhibaan ay yihiin mudanayaal ansax ah islamarkaana Go’aanka Maxkamada Sare ay ku laashay uu yahay waxba ka jiraan.
Xidhibaanada xaadirka aha kulanka maanta o0o gaarayay 184 Xildhibaan ayaa 180 ka mida u codeeyeen in la laalo go’aanka Maxkamadda sare.
Ma cadda sida go’aan maxkamadeed oo dacwad ahaan loo qaaday ay u laali karaan Xdildhibaanno Baarlamaan, waxaase la sheegay in xildhibaanada ay ka cabsi qabeen in jidkaasi ku furmo oo uu galaafto xildhibaano kale.
8 Xildhibaan ee kuraastoodu muranku ka taagnaa ayaa kala ah:
- Cabdullaahi Maxamed Shaacir -Koofur Galbeed
- Cabdi Casiis Saalax Carmaan – Banaadir
- Sharmaake Garaad Saleebaan – Puntland.
- Maxamed Axmed Abtidoon -Galmudug.
- Samra Ibraahim Cumar – Koofur Galbeed.
- Muna Khaliif Sheekh – Koofur Galbeed.
- Nadiif Aadan Isaaq – Koofur Galbeed.
- Maxamed Siciid Cabdullaahi – Koofur Galbeed.