Afhayeenk ciidamada dalka Burundi ayaa shaaciyey in lix askari loog dilay weerar Alshabaab ku qaaday ciidamadaasi ku sugnaa duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.
Warkan ayaa laga soo xigtay afhayeenka ciidamada Brundi Floribert Biyereke oo ay wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu kasoo xigatay in Al-shabaab ay weerarka oo dhacay Sabtidii ay Alshabaab ku dileen Lix Askari ooka tirsan ciidamada Burundi, ayna dhaawac halis ah gaarsiiyeen saddex askari oo kale, iyadoo la la’ yahay 2 askari oo ka
Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkan oo lagu beegsaday Ciidamada Burundi oo ku sugnaa Tuulada Gololey ee duleedka Balcad halkaas oo ay ka wadeen howlgal lagu banneynayo wadadda isku xirta Balcad iyo Jowhar, waxaana weli weerarkaasi ka hadlin hoggaanka AMISOM.
Alshabaab ayaa hore u sheegatay inay weerarkaasi ku dishay 10 askari oo Brundes ah, iyadoo aan la ogeyn askarta maqan in maxaabiis ahaan loo qabsaday iyo inay dhinteen.