Ganacsatada iyo dadweynaha Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha ayaa ka cabanaya falal dhac hubeysan ah oo ku soo kordhay suuqaasi.
Wararka laga helayo magaalada Muqdishoa ayaa sheegaya inay sii kordheen falal dhac hubeysan ah oo maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay suuq Bakaaraha, waxaana maanta suuqaasi dad kala duwan looga geystay dhac.
Dabley ku hubeysan Bistoolada ayaa ku soo batay suuqa, kuwaasoo maalinta cad ganacsatada iyo dadka suuqa ka adeeganaya ka qaadanaya Mobileda, lacagaha iyo qalabka fudud.
Maanta oo kaliya waxaa suuqa lagu dhacay dad fara badan oo qaarkood warbaahinta la hadleen una sheegeen sida looga qaaday mobile-s iyo lacago ay wateen markii dhalinyaro ku hubeysan bistoolado ah soo weeraraan.
Dhowaan ayaa suuqa waxaa ka dhacay fal lagu qafaashay nin ganacsade ah oo la sii daayay kadib markii lacag madax furasho ah laga qaatay.