Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay baaritaanka ay faafisay xeer ilaalinta Sacuudiga ee ku saabsan dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi ee ka dhacay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul, dalka Turkiga.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweyneyso baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda Sacuudiga ee ku saabsan dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi.
“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa baadhitaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaas oo lagu xog-wareystay dadka u xidhxidhan dilka muwaadinka Sucuudiga Jamal Khashoggi. Soomaaliya waxa ay u aragtaa tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan si daaha looga qaado xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan xaaladaha kiiska..” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Warbixinta Xeer ilaalinta Sacuudiga ayaa si weyn loo cambaareeyay iyadoo la sheegay inay xaqiiqada ka fog tahay, wuxuuna Turkigu ka dalbaday inay xaqiiqada oo dhan shaaciso, wuxuuna warkan soo baxayaa xilli sirdoonka Mareykanka uu dhaxal-sugaha dalka Sacuudiga ku eedeeyay inuu bixiyey amarka dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi.
Sacuudiga ayaa adeegsada dalalka ku jira Jaamacadda Carabta si ay u taageeraan mowqifyadiisa, soona saaraan qoraallo garab istaag ah, taasoo looga bedelo taageero maaliyadeed.