Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay labo diyaaradood oo shalay lagha dejiyay garoonka Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.
Labadan diyaaradood ayaa lagu baaray Garoonka diyaaradaha ee degmada Wajeer, intii aan loo ogolaan inay safarkooda magaalada Nairobi sii wataan.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegtay in labadaasi diyaaradood aysan ahayn diyaarado u diiwaan gashan duulimaaduada tooska ah ee magaalada Nairobi.
Arrintan ayaa su’aalo badan dhaliyay iyadoo la is weydiinayo diiwaan gelinta gaarka ah ee diyaaradaha ka baxa garoonka Muqdisho u baahan yihiin.
Warar hore u soo baxay ayaa sheegaya in ciidamo Kenyan ah ay ku sugan yihiin garoonka Muqdisho, kuwaasoo qabanaya howshii Wajeer.
Wadani.com