Qoraal kasoo baxay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sharci darro ku tilmaamay xildhibaannada lagu dooranayo magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Farmaajo ayaa sheegay in Doorashooyinka is barbar socda ee Ceelwaaq iyo Garbahaarey ay yihiin sharci darro ah baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qoraalka Farmaajo ayaa oo loo diray Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in la xushmeeyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1dii Oktoobar 2020 iyo 27kii May 2021.
“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020. Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.
Xafiiska Farmaajo ayaa abaabulay doorasho ka dhacda magaalada Garbahaarey si loogu carqaladeeyo Doorashada Maamulka Jubbaland iyo Guddiga FEIT ku qabanayaan Ceelwaaq oo maanta bilaabataym, waxaana muuqata in ujeedkiisu yahay inuu ka hortaggo xildhibaannada kasoo baxaya Ceelwaaq.