Kulamo xiriir ah guddiga amniga ee dowladda Federaalka siiba madaxweynaha iyo taliyeyaasha ciidamada ayaa lag soo saaray go’aan ku saabsan ciidamada milateriga ee ku sugan magaalada Muqidsho.
Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee Booliska, Milateriga iyo Nabadsugidda ayaa go’aamiyay in ciidamada milateriga gebi ahaanba laga saaro caasimadda.
Ciidamada Mialteriga ayaa loo arkaa kuwo culeys weyn ku haya magaalada Muqdisho iyadoo askar fara badan oo hub wata ay buux dhaafiyeen wadooyinka iyo xaafaddaha magaalada, waxaana dhacdo fool xun ay shalay ka dhacday Agagaarka KM5 ee magaalada Muqdisho, kadib markii askari milateri ah uu rasaas ku furay nin shacab ah oo gaari watay, kaasoo u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray.
Amarkan oo isla maanta dhaqangalaya ayaa faraya dhammaan ciidamada milateriga inay ka baxaan caasimadda Muqdisho oo ay tagaan xerooyinkooda, iyadoo aan la ogeyn in askari milateri ah lagu arko magaalada.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay amarro adag oo madaxweyne Farmaajo siiyay taliyeyaasha ciidamada oo laga dalbaday inay la yimaadaan qorshihii ay ku sugi lahaayeen ammaanka caasimadda.
Wadani.com