Dowladda Kenya ayaa laga cabsi qabaa inay maanta hor keento Maxkamada Cadaaladda adduunka ee Hague heshiis kale oo ay la gashay dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh.
Heshiiskan ayaa la sheegay inuu Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha dibadda C/salaan Hadliye Cumar, halka ay Kenya u saxiixday Wasiirka Arrimaha dibadda Amina Mohamed.
Heshiiska ayaa dhigaya in labada dal ay iska kaashadaan dhinaca diblomaasiyadda, isla markaana wixii khilaaf ah ee soo dhex gala ay ku dhameystaan wadahadal. Heshiiskan ayaa bishii Febraayo ee sanadkan lagu saxiixay magaalada Addis ababa, waxaa kaloo jira heshiis kale oo iska lagu saxiixay magaalada Nairobi.
Waxaa arrintan welwel ka muujiyay guddoomiyihii hore ee Gobolka banaadir, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud  Axmed Nuur (Tarsan). Waxaana laga cabsi qabaa inay dib ugu dhigatay shaacinta heshiiskaasi si ay jawaab uga dhigato.
HOOS KA DAARO CODKA TARSAN
Wadani.com