Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa magacaabeen saraakiil u qaabilsan dhinaca Amniga, kadib shir ay maanta ku yeesheen caasimadda Muqdisho.
Saraakiishan ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) iyo Maxamuud Macalin Koronto oo hore u ahaa abaandullaha Qeybta 12 April ee ciidamada Milateriga, inkastoo aan la sheegin inay ciidamo wataan iyo in kale. Waxaa kaloo saraakiisha la magacaabay ku jira saraakiil kale oo la filayo in la shaaciyo.
Artintan ayaa imaaneysa kadib markii uu Madaxweyne Farmaajo iska dhega tiray baaqii Musharixiinta mucaaradka ee dib ula noqoshada Guddiyada Doorashada, isla markaana xukuumaddu ku dhiirigeliyey inay dardar geliso doorashda lagu muransan yahay.
Golaha ay leeyihiin Musharaxiiinta ayaa hore u magcaabay Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka oo ka kooban 28 xubnood, iyadoo aan weli la shaacin magacyadooda.
