Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya G/lle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka hadlay halka uu marayo baaritaanka kiiska dilka Wasiir Cabbaas C/llaahi Siraaji.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in la hayo saddex qof oo rasaastii dhacday la baarayo ciddii geysatay, isla markaana baritaanka gaarayo mas’uulka ay ilaaladiisu falka geysatay si wax looga weydiiyo mas’uuliyadii uu ku lahaa.
Wuxuu intaas ku daray inay u digayaan mas’uuliyiinta ilaalada wata ee wadooyinka Muqdisho ku dhibaateeya shacabka, isagoo u sheegay inay mas’uuliyadda wixii dhaca qeyb ku leeyihiin.
DHAGEYSO