Booliska iyo dembi baarayaasha Turkiga ayaa dib uga baxay Guriga Qunsulka Sacuudiga ee magaalada Istanbuul, kadib markii laga hor istaagay inay baaritaan ku sameeyaan gudaha Guriga.
Dembi baarayaasha Turkiga ayaa ku tuhunsanaa Guriga uu degan yahay Qunsulka Mohamed Alcuteybi oo dhow Qunsuliyadda Sacuudiga in lagu qariyey meydka ama Jirka saxafiga Jamal Kashoqgi oo la sheegay in lagu dhex dilay Qunsuliyadda daqiiqado kadib markii uu galay 2-dii bishan Oktoobar.
Wadahadal qaata muddo ku dhow 5 saacadood oo dhex maray kooxda Sacuudiga iyo Baarayaasha Turkiga ayaa wax horumar ah laga gaari waayey, markii ay Sacuudiyiintu diideen in la baaro qolalka Guriga Qunsulka iyo gudaha guriga, waxaana ugu danbeyn halkaasi ka tegay goor dhoweyd kooxdii baarayaasha Turkiga.
Qunsulka Sacuudiga oo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu goobjoog ahaa markii la dilayey Jamal Kashoqgi, ayaa ka dhoofay magaalada Istanbuul eeĀ dalka Turkiga, isagoo u duulay magaalada Riyaad, kuna laabtay dalkiisa.
Turkiga ayaa dadaal ugu jiray inay su’aalo weydiiyaan Qunsulka Sacuudiga oo laga rabay in wax laga weydiiyo su’aalo ku saabsan waxa uu ka ogyahay arrinta kiiska Jamal Kashoqgi, iyadoo uu ka baxsaday magaalada Istanbul.
Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegay inaysan wax gacan ah ama qirasho ah ka helin Sacuudiga, wuxuuna meesha ka saaray in Qunsuliyadda ay tahay meel dadka su’aalo lagu weydiiyey, isagoo sheegay inaysan jirin diblomaasiyiin Sacuudiyaan ah oo xayiraad ay saaran tahay.
Lama oga in Baarayaasha Turkiga ay ku soo laaban doonaan guriga Qunsulka iyo inkale, waxayna xaaladda u muuqataa in Guriga Qunsulka Maxamed Alcuteybi uu yahay halka isha lagu hayo.