Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay in madaxweynaha xilligiisa dhammaaday ee maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan lagu wado inuu ku dhawaaqo go’aan siyaasadeed muhiim ah.
Shirar aan loo kala kicin oo ka socday xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhaba ayaa la sheegay inuu Shariif Xasan ugu danbeyn go’aan ku gaaray inuu ka haro tartanka Doorashada maamulka K/Galbeed kadib markii uu xaqiiqsaday inuusan ku soo baxeynin, isla markaana dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka aysan aqbaleynin xil kororsi iyo dib u dhac waqti dheer oo ku yimaada Doorashada K/Galbeed.
Wararkii ugu danbeeyay ee Baydhaba ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu xilka madaxweynaha ku wareejin doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi, iyadoo ay suuragal tahay inay dib u dhacdo waqti kooban doorashada K/Galbeed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheehkunaa oo hore saaxiib dhow ula ahaa Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu diiday inuu la safto Shariifka, taasoo qeyb ka qaadatay cadaadiska saaran.
Shariif Xasan ayaa dagaal siyaasadeed xoog leh kala kulmay madaxda dowaldda Federaalka oo musharixiin ay wadato geystay magaalada Baydhaba. Waxaana goor dhoweyd gaaray magaalada Baydhaba Wasiirka Arimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.