Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 18
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan (Muqalasiin la qabtay

    War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan (Muqalasiin la qabtay

    October 12, 20162 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    WAR-SAXAAFADEED SAFAARADDA SOOMAALIYAEE MAGAALADA KHARTOUM DALKA SUUDAAN

    Tr:12/11/2016
    Safaaradda J.F. Soomaaliya ee Dalka Suudaan waxa ay umadda Soomaaliyeed ku wargalinaysaa in bilowgii sanadkan 2016 uu hoos u dhac wayn ku yimid Tahriibka kadib markii gabi ahaanba la xiray soohdinta ay Suudaan la leedahay wadanka Liibiya oo ay Tahriibayaasha uga sii gudbi jireen badda Mediterranean-ka si ay Yurub halkaas uga sii gudbaan.
    Safaaradda oo kaashanaysa Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan waxa ay dadaal ugu jiraan sidii loo joojin lahaa hal halka dhifta ah ee ilaa hada socda ee doonaya in ay naftooda ku haligaan tahriibka halista ah.

    Safaaradda J.F. Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya oo wada jira waxaa u suura gashay in lasoo qabto laba ka mid ah raggii ugu waynaa (Muqalasiin)  ee ka shaqeenayay tahriibinta dhalinta Soomaaliyeed, kadib markii in muddo ah lagu daba-joogay soo qabashadooda.
    Labadan qof oo magacyadooda loo yaqaan Cabdulaahi Jabuuti iyo Diiriye ayaa lasoo qabtay kadib markii ay Oday Soomaaliyeed kasoo af-duubteen dalka Yaman kaasoo eheladiisa in muddo ah baadigoobayeen kadibna uu ka baxsaday gacanta af-duubayaasha iyagoo ku qarinayay guri ku yaala magaalada Khartoum ee Caasimadda Suudaan.

    Aabahan Soomaaliyeed ee lasoo afduubay ayaa Safaaradda J.F Soomaaliya ee Dalka Suudaan  soo gaarsiiyay dacwad ka dhan ah labadaa nin kadibna Safaaradda ayaa  ku wargalisay hay’adda ku shaqada leh ee Dowladda Suudaan, sidaana ku suura gashay in gacanta lagu soo dhigo.
    Labadan Eedeysane ayaa lagu haystaa in dhalinta Soomaaliyeed si xoog ah uga af-duubanayeen gudaha Suudaan iyo dibadeeda kadiba ay u gacan galinayeen rag ay la shaqeystaan oo jooga Dalka liibiya oo lagu sheegay Magafayaal, kuwaas oo si arxan daro ah u jirdilaya kadibna ka qaadaya lacag tiro badan.

    Ugu danbeyntii Safaaradda J.F. Soomaaliya ee dalka Suudaan oo kaashanaysa Dowladda Suudaan ayaa waxa ay sidoo kale ku raad joogtaa rag lagu sheegay in ay ka shaqeeyaan tahriibinta dhalinyarada Soomaaliyeed, waxa ayna Safaaradda uga digaysaa dhalinta iyo waalidkooda in aysan marnaba ubadkooda usoo diraan tahriib waayo wixii hada ka dambeeya waxa uu tahriibaha Suudaan kala kulmayaa xarig dhowr sano ah kadibna musaafurin wadanka dib loogu soo celinayo.

    Muqalas Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Tahriib
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAhlu Sunna oo sheegtay in Madaxweyne ku xigeen & Taliye ciidan looga dhaawacay Godinlabe
    Next Article Xubno ka tirsan Alshabaab oo ku dhintay Qarax ay ku aasayeen magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo