Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa bannaanbaxyo ka socda magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland oo ay wadaan taageerayasha xisbiyada Mucaaradka oo diidan dib u dhaca doorashada madaxweynaha maamulkaasi.
Maamulka Somaliland ee Muuse Biixi ayaa ogolaaday inay xisbiyada Mucaaradka xarumahooda ku banaanbaxaan, balse mar dambe ayuu xalay wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin eedeyn culus u jeediyay Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro, isagoo sheegay inuu ciidamo kala yimid Muqdisho.
Bannaanbaxyada saaka ka bilowday magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inay rabshado ka dhasheen markii ay isku dhaceen dadka soo baxay iyo ciidamada Booliska, waxaana hawada laga saaray internetka, taasoo keentay inay dadku adeegsan waayaan Baraha bulshada ee ay dadku ku xiriiri jireen.
Xaaladda ayaa kacsan magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan dad rayid ah iyo mas’uuliyiin ku waxyeeloobay rabshadaha ka dhashay bannaanbaxyada socda.
Hal qof ayaa ilaa hadda la sheegay inuu ku dhintay bannaanbaxyada socda, iyadoo dhaawacyo isugu jira dad rayid ah iyo askar la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.
Ciidamo isugu jira Boolis iyo Milateri ayaa xiray wadooyinka magaalada Hargeysa, iyagoo dadweynaha bannaanbaxaya ka hor taagan inay gudaha magaalada ku tagaan socod, taasoo ay ka digeen madaxda maamulka Muuse Biixi.

