Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in la-tashiyo dheeraad ah ay socdaan oo ku saabsan dhameystirka liiska Golaha Wasiisrada.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa soo gabagabeynaha la-tashiyo iyo kulamo uu la yeelanayay xildhibaanada beelaha Soomaalida oo uu kala hadlayo taageeridda Golaha Wasiirada ee uu magacabayo.
Xogta laga helayo xafiiska Wasiirka koowaad ayaa sheegaya in waqti dheeraad ah loogu baahday sidii xilalka wasiirada loogu qeybin lahaa beelaha, waxaana jira in liiska Golaha wasiirada la diyaariyay.
Xilalka wasiirada muhiimka ah iyo u qeybinta beelaha ayaa ah arrinta ugu weyn ee hortaalla Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre. Beelaha Hawiye iyo Daarood ayaa ah kuwo ugu weyn ee isku heysta wasiirada muhiimka ah iyo cidda iyo sida loo qoondeynayo.
Magacaabidda Golaha wasiirada ayaa lagu wadaa in toddobaadka dambe lagu dhawaaqo sida ay sheegeen xubno ku dhowdhow Ra’iisal wasaare oo la sheegay inay soo wajaheen dalabaad waaweyn oo uga yimid beelaha kala duwan oo mid kasta dooneyso wasaaradaha waaweyn.
Wadani.com