Shirka daba dheeraaday ee Madaxda Madasha Qaran uga socday magaalada Muqdisho ayaa go’aano hordhac ah lagu gaaray.
Shirkan oo si goosgoos ah u socday, isla markaana madaxda qaarkood ay ka baaqsadeen sida madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa warrka ugu danbeeyay ee laga helayo ay sheegayaan in la isla meel dhigay Qodobadda soo socda:
- In doorashada Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay dhacaan bisha Janaayo 217 iyadoo toddbaadka ugu horeeya ee Bisha ay dhici doonto doorashada guddoonka, halka 22-ka bisha la qaban doono Doorashada madaxweynaha.
- In 11-ka kursi ee ay laaleen Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka sidooda loo daayo, kana mid noqdaan xildhibaanada Baarlamaanka cusub.
- In Musharaxa madaxweynaha u tartamaya uu bixiyo lacag dhan 30 kun Doolar, lana yimaado 30 saxiixa cod.
Waxaan weli heshiis laga gaarin xubnaha Aqalka Sare ee loo qoondeeyay Somaliland oo Puntland ay dooneysay inay xubno ka hesho.
Shirka Madasha oo ahaa kii ugu caajiska badnaa shirarkii ay yeesheen tan iyo intii la dhisay ayaa la sheegay in war-murtiyeedkiisa la shaacin doono 24-ka saac ee soo socota.
Wadani.com