Waxaa si xowli ah uga socda magaalada Muqdisho olole xoogan oo dhinacyada isaga horjeeda mooshinka la filayo in maanta laga yeesho doodii ugu danbeysay codka kalsoonidana loo qaado xukuumadda Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed, wuxuuna codka xildhibaanka gaaray heer aan abid hore loo arag, xitaa marka dib loo eego qiimihii la siisan jiray doorshada madaxweynaha.
Kooxda madaxweynaha ayaa ku jirta ololihii ugu weynaa waxayna  ugu danbeyn xildhibaannada taageersan siiyeen lacag dhan $10,000 oo hore leh, iyadoo raadinaya xildhibanno ku dhow 25 oo kasoo jeeda beesha Digil &Mirifle kuwaas oo labada dhinacba dhaqaale ka qaatay isla markaana aan la isku hubi karin codadkooda.
Dhinaca madaxweynaha waxaa ololaha dib uga soo biiray Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhowaan loo doortay madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Xuseen Muungaab oo dhaqaale ururin iyo qalqaalin xildhibaanno kala qaabilsanaa. Xubno ka mida kooxda madaxweynaha ee ololaha ku jira ayaa laga soo xigtay in ololahan uu ka dhib badan yahay kii ay madaxweyne Xasan Sheekh u sameeyeen si uu madaxweyne u noqdo.
Hantida kooxda madaxweynaha ka baxay ilaa iminka ayaa lagu qiyaasayaa lacag ka badan 4 Milyan oo doolar iyadoo qaar kamida ay lacagtaas ay leexsadeen xubnaha ololaha u wada. Tirada uu madaxweyaha ku tashan karo ayaa ilaa saaka gaareysay 115 xildhibaan, waxayna waanwaan kula jiraan ilaa 30 xildhibaan oo kala bar ay sheegeen inay isku hubaan. Xildhibaannada qaarkood waxaa loo balanqaaday $20,000 iyo jago, waxay kaloo rajo ka qabaan in ugu danbeyn ay xubno kala soo baxaan kooxda taageersan Ra’iisal wasaaraha. Dagaalka mooshinka ayaa maraya heerkii ugu danbeeyay iyagoo ka rajo qaba inay ugu danbeyn ka guuleysan doonaan Ra’iisal wasaaraha iyo kooxdiisa.
Dhinaca Ra’iisal wasaaraha waxay heystaan 110 xildhibaan, waxayna dagaal aan yareyn ugu jiraan inay dhinacooda soo mariyaan xildhibaanada Digil iyo Mirifle ee ka badan 20-ka xubnood kuwas oo noqon doona halka mooshinka yaala u liico. Waxay dhinaca Ra’iisal wasaaraha adeegsanayaan laba  hab oo ah dhaqaale ama in xildhibaanka ka maqnaado kulanka kadib marka uu qaato  kista loo qoondeeyay.
Labada dhinac ee mooshinkan isku haysta ayaa galay marxaladii ugu dambeysay ee mooshinkani oo la filayo in suuqa kala iibsiga codadka xildhibaannadu aanu xirmin ilaa waqtiga codeynta, waxaana koox waliba ugu jira gudaha Barlamaanka xubno u qaabilsan in saacadda ugu danbeysa ay ku loolamaan codka ugu danbeeyna, waxaana jira warar sheegaya in lacagaha qaarkood lagu dhex hayo gudaha Baarlamaanka.
Si kastoo mooshinkani u dhaco iyo dhinac kastoo ay guushu raacdo, waxay isla qireen labada dhinac inuu noqon doono kii ugu adkaa taariikhda ee soo mara xildhibaanada; waxayna kooxda madaxweynaha u muuqata inay arrinta ka taagan tahay nolol iyo geeri; halka xubnaha taageersan ra’iisal wasaaraha ay u badan yihiin qaar siyaasad ahaan la coloobay madaxweynaha iyo kooxdiisa oo diyaar u ah wax waliba oo ay ku fashilin karaan.
GOOBJOOGE.COM
MUQDISHO
[ad name=”HTML”]