Tuesday, May 13, 2025

Dood kulul oo ka dhacday mooshinka iyo Faarax C/qaadir olole ka dhex bilaabay xidhibaanada

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dood ka yeeshay maanta mooshinka cusub ee laga keenay Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed, iyadoo doodo la isugu jawaabayo ay shirka ka jeediyeen xildhibaannada iska horjeeda ee kala taageersan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

 

???????????????????????????????

Ad

 

Dhinaca mooshinka wata ayaa Ra’iisal wasaaraha ku eedeeyay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin:

1. Inuu la shaqeyn waayay madaxweynaha, isla markaana lumiyay kalsoonidii madaxweynaha dalka.

- Advertisement -

2. Inuu hanan waayay golihiisa wasiirada.

3. Inuu isbaheysiyo iyo xulufo sameysatay

4. Inuu sharci darro ku dhaqmay, kuna tuntay xeerka Federaalka

5. Inuu ku xadgudbay awoodda Madaxweynaha

- Advertisement -

6. Inuu ku fashilmay fulinta iyo hirgelinta Federaalka

 

Dhinaca kale ayaa ku difaacay Ra’iisal wasaaraha:

1. Inuu xilkiisa gutay, weliba diyaar u yahay inuu guto.

2. In faragelin toos ah shaqadii xukuumadda uu ku hayo madaxweynaha.

3. Inaysan ceeb ahayn booqasho lagu tago degaanada dalka sida Puntland.

4. In madaxweynaha ku faano waxqabadka xukuumadda ra’iisal wasaare C/weli

5. In Ra’iisal wasaaraha aan lagu heysan wax sharci ah. mooshina laga keenayna uu yahay mid arrimo kale oo siyaasadeed huwan.

6. Xukuumada kasta in laga dumiyo madaxtooyada.

 

Dooda  waxaa barbar socday olole xildhibaanada lagu qalqaalinayo  oo kooxaha kala duwan ay kala jiidanayaan, waxaana si fiican uga dhex muuqday dadaalka cod raadiska ah Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir oo fadhi dhigtay albaabka ay xildhibaannada ka galaan xarunta baarlamaanka, isagoo xildhibaankii soo gala la hadlaya, kana codsanaya in la rido xukuumadda uu ka midka yahay ee R’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Arrimaha uu Faarax Sheekh C/qaadir doonayay inuu ku so jiito xildhibaanada taageersan Ra’iisal wasaaraha waxaa ka mida isagoo ku lahaa” “C/weli anagaa keenay…… mana taqaanid…. ee ka joog… haddii aad aniga i dhibsatay mar danbe ma soo galayo golaha wasiirada…. ee tan aan ka wada shaqeyno” iyo ereyo kale oo qaarkood beerlaxawsi qabyaaladeed ku dhisnaa.

Dooda mooshinka oo si weyn loogu xiiqay ayaa goor danbe lasoo gabagabeeyay kadib markii ay hadleen 50 ka mida 87 is qortay, waxaana haray 37 kale oo Sabtida dooda mooshinka lagu bilaabi doono haddii aanay tanaasulin. Maalinta Sabtida ayaa la filayaa in codka kalsoonida loo qaado, waxaana inta ka horeysa soconaya dagaalka loogu jiro codka xildhibaannada labada dhinac oo meel xasaasi ah maraya.

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON