Rasaas iyo Qaraxyo ayaa ka dhacaya Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho oo ay ka dhex dagaalamayaan Dableyda Alshabaab ee xalay qabsaday qeybo ka mida Hotelka.
Dad badan ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen weerarka, waxaana ciidamada Amnoiga ay dagaal kula jiraan dableyda oo ku sugan qeybta sare ee Hotelka oo burbur weyni soo gaaray.
Xaaladda ayaa si weyn u kacsan iyadoo wararku sheegayaan in meydad ay dhex yaallaan Hotelka, kuwaas oo aan lagu guuleysan in laga soo saro, waxaana jira dad weli ku xayiran hotelka, sida ay sheegeen dad ehel la ah.
Ciidamada gaarka ah ee Alfa Group ayaa howlgal culus ka wada Hotelka Hayat tan iyo xalay, iyagoo weli wajahaya dableyda oo weli wada inay bambooyin qarxiyaan iyo dagaal toos ah oo ay kula jiraan ciidamada.
Dadka ku dhintay weerarka Hotel Hayat ayaa sii kordhaya, iyadoo ay Alshabaab sheegtay inay gudaha Hotelka ku dishay 20 qof. Inta la xaqiijiyey dhimashada ayaa ku dhow 15, halka dhaawacu ka badan yahay. Hay’adda Amniga dowladda ayaan weli ka hadalin weerarka socda in ku dhow 20 saacadood.
Waa weerarkii ugu waqtiga dheeraa oo dabley ka tirsan Alshabaab ku qabsadeen Hotel ka mida kuwa Muqdisho oo intooda badan ay weerarro ku galeen dowladihii Xasan Sheekh iyo Farmaajo 2012 ilaa 2022, waxayna markale la bilaabtay dowladda cusub ee Xasan Sheekh.
