Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Subscribe
    • Front
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Wararkii ugu danbeeyay ee weerarka lagu qabsaday Hotel Maka Almukarama
    Somali

    Wararkii ugu danbeeyay ee weerarka lagu qabsaday Hotel Maka Almukarama

    WebmasterBy WebmasterMarch 27, 2015Updated:March 27, 2015No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warar hordhac ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo xarakada Alshabaab ku qaadeen galabta  Hotelka caanka ah ee Maka Al-Mukarama oo ah hotel ay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiinta dowladda caadiyan isugu tagaan.

    Weerarka ayaa ku bilowday Qarax weyn oo albaabka danbe ka dhacay, waxaana gudaha hotelka soo galay rag hubeysan aoo  rasaas ku bilaabay dadkii ku sugnaa hotalka, kadibna degdeg u galay qolalkii ay dadku ku jireen oo kuwii furnaa ay rasaas la dhaceen.

    Weerarka oo hadda socda ku dhowaad in ka badan 4 saacadood ayay ciidamada amaanku soo badbaadiyeen dad fara badan oo ku sugnaa gudaha hotelka waxaana dagaal culus ku dhex maray gudaha hotelka ragii weerarka soo qaaday iyo ciidamada gaarka ah ee nabadsugida.

    [ad name=”HTML-2″]

    Dad ka badan 15 ruux ayaa la sheegayaa inay  weerarka ku dhinteen iyadoo qaar kale oo tiro badan dhaawacyo ka soo gaareen weerarkaasi. Dadka ku dhaawacmay waxaa ka mida Ambassadir Yuusuf Bari bari oo ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland. dhaawaciisa ayaa la sheegay inuu yahay mid culus.

    Alshabaab ayaa sheegatay inay ka danbeysay weerarka, iyadoo ay ku soo beegantay iyadoo xaalad ammaanka lagu sugayo ka jirtay magaalada Muqdisho isla markaana dowladu dhowaan sheegtay inay qabatay saraakiisha Alshabaab u qaabilsaneyd caasimada Muqdisho.

    Xaaladda ayaa weli isku qasan iyadoo dad badan oo mas’uuliyiin ka mid yihiin laga soo badbaadiyay markii jaranjaro loo saaray dariishadaha, waxaana saraakiisha ammaanka ay sheegeen in qof ka mida Alshabaab weli ku jiro hotelka oo hubeysan yahay.

    Milkiilaha hotelka ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha degmada Hodon inuu u diiday inay ammaanka hotelka sugaan oo dhagxaan waaweyn ku xiraan albaabyadooda. Khasaaraha weerarka ayaa la filayaa inuu sii kordho iyadoo dhaawacyada iyo dhimashada weli la daad gureynayo. Waxaa goor dhoweyd la xaqiijiyay inuu dhintay Allaha u naxariistee Yuusuf Axmed Ismaaciil (BariBari) safiirkii Soomaaliya ee Jineva oo ku dhaawacmay weerarka.

    Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qofkii ugu danbeeyay kooxda weerarka soo qaaday la dilay oo sidaasina ay ciidamada ammaanka ku soo afjareen weerarkii 4 saacadood qaatay ee lagu qaaday Hotelka Maka Almukarama. Qasaaraha ka dhashay weerarka ayaa la tilmaamay mid ba’an.

    Goobjooge.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-5″]

    [ad name=”HTML-4″]

    Alshabaab Hotelka Maka Almukarama Qarax Weerar
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Webmaster
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Goobjooge.com: An Online News portal, tracks all news round the clock which will cover Politics, entertainment, sports and world news.Waxaad nagala soo xiriir kartaa: info@goobjooge.com

    Related Posts

    Sheegow Cali Axmed oo isagoo Maxbuus ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho

    April 7, 2025

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Wasiirkii Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yuusuf oo loo Doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

    February 15, 2025

    Comments are closed.

    © 2025 Wadani.com .
    • Home-1
    • About Goobjooge
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo