Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Axmed C/salaan Adan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dhowaan ka baaqsaday inuu ka mid noqdo wafdigii madaxweynaha ee tegay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, halkaasoo dood kulul ku dhex martay madaxweynaha iyo odayaasha shirka, la iskuna afgaran waayay goobta lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobollada Dhexe ee Soomaaliya.
Axmed C/salaan oo dhinaca kale ah mid ka mida musharixiinta ugu waaweyn ee maamulkaasi, taageerana ka heysta kooxda Ahlu suna iyo Itoobiya ayaa si lama filaan ah uga haray wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee booqday Dhuusamareeb, sababo aan la garaneyn dartood, waxaana la filayaa inuu halkaasi tago kadib markii uu ka soo laabtay madaxweynaha.
[ad name=”HTML-2″]
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Axmed C/salaan ka shaqeynayo sidii shirka maamul u sameynta maamulka gobolada dhexe loogu dhameystiri lahaa Dhuusamareeb, loogana baaqsan lahaa in loo raro degmada Cadaado si qorshihiisa ugu suuragalo, waxaana kulamo is daba jooga uu Muqdisho kula lahaa xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa.
Waxaa la isku mari la’ yahay hogaanka sare ee maamulka Gobollada Dhexe iyadoo taas heshiis laga gaarinna waxaa laga yaabaa inay sii socdaan khilaafaadka ku saabsan dhismaha maamulkaasi. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto Dhuusmareeb si uu u soo xiro shirkii dib u heshiisiinta, waxaase hor yaala caqabado aan yareyn.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]