Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa fal naxdin leh oo nin dabley ah ka geystaydegmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud .
Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay dad raashin loo qeybinayay oo ahaa barakacayaal ku tabaaloobay abaaraha, waxaana uu halkaasi ku dilay 6 qof isagoo dhaawacay 13 kale.
Ninka falkan geystay ayaa lagu sheegay inuu ahaa mooryaan isagoo si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay dadka, kadib markii ay si ad dhaafeen nin ka mida samafalayaashii wax qeybinayay iyo ninka hubeysan oo la sheegay inuu baxsaday markii uu falkaasi geystay.
Qaar ka mida dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay inay xaaladoodu liidato, waxaana degmada C/waaq la sheegay inaysan lahayn ciidamo ammaan iyo maamul xoog leh.
Wadani.com