Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax ka dhacay duleedka Muqdisho oo lala beegsaday bar ciidamo ay ku sugnaayeen.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday qarax gaari, waxaana lagu qaaday weerarkan lagu qaaday koontaroolka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.
Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya saddex qof oo shacab ah ay ku dhinteen qaraxa, halka 8 kale ay ku dhaawacmeen oo u badan ciidamo.
Dadka ku dhintay qaraxa ayaa ahaa dad uu qabsaday oo wadadda marayay, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka oo xiray wadadda.
DEGDEG: Qarax weyn oo lala beegsaday Bar Koontarool oo ciidamada dowladda ku sugnaayeen