Loolan adag iyo olole la isku habeensaday xalay oo dhan kadib waxay xildhibaanada Baarlamaanka ku urureen xaruntooda magaalada Muqdisho.
Waa maalintii labaad ee doorashada Guddoonka Baarlamaanka, waxaana la dooranayaa labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka Federaalka iyadoo tartanku ka adag yahay kuwii hore.
Labada musharax ee ugu cadcad jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa kala ah: Faarax Sheekh C/qaadir iyo C/weli Ibraahim Muudey, waxaana la filayaa inay isugu soo haraan tartanka u dambeeya, saadaashuna ay tahay mid isu dhow, inkastoo ay dhici karto in midkood guuleysto wareega hore.
Xilka labaad waxaa u tartamaya 10 musharax, waxayna jagada Guddoomiye ku xigeenka labaad noqotay mid furan oo dad aan la fileyn ay soo galeen kadib markii Aqal sare la sameeyay, waxaase loo saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.
Wadani.com