Bararkii ugu danbeeyay ee weerarka dabley hubeysan oo Alshabaab ah ay ku qaadeen Baarka lagu magacaabo Posh Treats restaurant ayaa sheegaya inay rasaas ka socoto gudaha Baarka.
Hotelka iyo Baarka Posh Treats ayaa ku yaala degmada Hodon agagaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarku ku bilowday Qarax, iyadoo kadibna ay dabley gudaha u gashay baarka.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in weerarkan oo la mida weerarradii hore uga dhici jiray hoteelada magaalada uu dhaliyay qasaare weyn iyadoo dableyda hotelka gudaha u gashay laga cabsi qabo inay xiran yihiin Jaakadaha Qarxa.
Posh Treats ayaa ah Baar caan ah oo ay ku badnaayeen qurbe-joogta iyo dadka heerkoodu sareeyo, wuxuuna weerarkan noqonayaa kii ugu horeeyay ee Muqdisho ka dhaca Bishan Ramadaan.
Xaaladda ayaa cakiran waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka oo xiray wadooyinka soo gala Hotelka, waxaana socda howlgal lagu doonayo in ciidamada ay gudaha ugu galaan hotelka Posh Treats.
Dhaawacyo ka badan 10 ayaa laga qaaday Baarka weerarku ka dhacay, waxaana la filayaa inuu qasaaraha sii kordho.
Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in Gaariga qarxay la dhigay iridka Baarka oo aanay jirin rasaas gudaha Baarka ka dhacday.
La soco wixii soo kordha…
Qarixii Caawa oo saameyn ku yeeshay Laba Baar oo Caan ah & Ciidamada oo gudaha u galay
GOOBJOOGE