Wararkii ugu danbeeyay ee weerarka Alshabaab ku qaaday Jaamacadda Gaarisa ayaa sheegaya in howlgalkii lasoo gabagabeeyay, isla markaana la dilay 4 dabley ah oo weerarka ka mas’uul ahaa. Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa xaqiijisay goor dhowr in 147 ruux ay dhinteen. Dhaawacyada ayaa ku dhow 100 ruux.
Waxaa sii kordhay dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa iyadoo gaaray 70 ruux. wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaya weerarka lagu qaaday xarunta Jaamacadda Gaarsia ee Gobolka W/Bari Kenya ayaa tibaaxaya inay dhimashada gaartay 70 ruux oo ilaalada jaamacadda ka mid yihiin, isla markaana la dhaawacay 79 ruux sida uu dhowaan shaaciyay wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo intaas ku daray in la badbaadiyay ilaa 500 arday iyo shaqaale isugu jira. waxaana weli maqan oo la heystaa in ku dhow 300 arday.
Dabley hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin xarakada ALshabaab ayaa weerar ku qaaday saaka aroornimadii xiligii salaada subax, waxaana jira warar sheegaya in ardayda madax furasho loo qabsaday.
[ad name=”HTML-2″]
Ciidamada kala duwan ee dalka Kenya ayaa go’doomiyay Jaamacadda, waxaana la maqlayaa qaraxyo iyo rasaas la is weydaarsnayo. Taliyaha Booliska Kenya ayaa sheegay inay rasaas is weydaarsadeen dableyda weerarka soo qaaday iyo ciidamada ilaalada Jaamacadda, waxayna dableyda si aan kala sooc lahayn rasaas ugu fureen gudaha Jaamacadda.
Ciidamada Kenya ayaa galay gudaha Jaamacadda Gaarisa, waxaana weli socda howlgalkii dableyda looga saari lahaa jaamacada sida laga soo xigtay afhayeenka Booliska.
Dableyda weerarka ku qaaday jaamacadda Gaarisa ayaa la sheegay inay yihiin laba ruux, waxaana sheegtay inay weerarkaasi ka danbeysay Alshabaab.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyp Taliyaha Booliska Kenya ayaa hogaaminaya howlgalka loogu jiro in lagu soo afjaro qabsashada jaamacadda Gaarisa.
Wadani.com
Nairobi
Isha warka: Wakaalado & Daily Nation
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]