Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkooda maanta uga hadlay arrimo kala duwan waxaa wararka naga soo gaaraya shirkooda oo iminka socda waxay sheegayaan in 5 safiir oo cusub la magacaabayo, waxaana xilka laga qaaday safiiro uu ka mid yahay Maxamed Cali Nuur (Americo) safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya.
[ad name=”HTML-2″]
Safiirada cusub waxaa ku jira Daahir Maxamuud Geelle oo hore usoo noqday wasiirka warfaafinta dowladii Sheekh Shariif ee kumeelgaarka ahayd oo loo magacaabayo Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga. Safiirada cusub ayaa la filayaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh saxiixo, kadib soo jeedinta golaha wasiirada.
Sidoo kale shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay xeer hoosaadka iyo istiraatiijiyada la-dagaalanka argagixisada oo ah xeer culus oo la filayo in looga hortago Alshabaab.
Warbixinta oo faahfaahsan dhowaan ayaan idin soo gudbin lahaa marka uu soo idlaado shirka golaha wasiirada ee hadda socda…
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]