Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay weli halkaasi ka socday kulamo xasaasi ah oo ku saabsan mustaqbalka maamulka Galmudug iyo qorshaha xukuumadda Somalia ay ku dooneyso inay doorasho ka dhacdo maamulkaasi.
Wafdiga Wasiirka Arrrimaha Gudaha xukuumadda Somaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kulamo la leh madaxda Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna, waxayna si gaara ula kulmeen madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, hoggaamiyaha Ahlu suna Macalin Maxamuud iyo Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf oo la filayo inuu maanta ku biiro wadahadalka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in hoggaamiyaha sare ee Ahlu suna Macalin Maxamud uu taageeray qorshaha dowladda Federaalka ee doorashada ka dhaceysa Galmudug bisha soo socota si xal loogu khilaafka dheer ee maamulkaasi, laakiin waxaa si weyn arrintaasi uga biyo diidan Xaaf.
Heshiis hoose oo la sheegay inay dowladda Federaalka la gashay Ahlu suna ayaa la hadal hayaa si meesha loo saaro Xaaf, waxayna arrintaasi si xoog leh u soo shaac baxday markii Ahlu suna ka hor timid qorshihii madaxweyne Xaaf ku doonayey inuu ku hor istaago wafdigii Wasiir Sabriye ee shalay tegay magaalada Dhuusamareeb.
Xildhibaannada mucaaradka ah ee dowladda Federaalka ayaa intooda badan taageeray Madaxweyne Xaaf, waxaana kasoo baxay warar ay ku eedeynayaan Ahlu suna inay ballantii uga baxday Xaaf.
Arrinta ugu weyn ee laga wadahadlayo ayaa ah Doorasho ka dhacda Galmudug, taasoo ka dhigan in madaxweyne Xaaf uu meesha ka baxo, waxayna ogolaanshaha Ahlu suna ka dhigan tahay in waqtigii Xaaf ee Galmudug uu gabaabsi yahay, iyadoo xal loo helayo qaabkii heshiis loogu dhammeyn lahaa isbedelka.