Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Warbaahinta Goobjoog oo War-saxaafadeed kasoo saaray Cidda uu u xiran yahay Weriye C/casiis Gurbiye (Akhriso)

    Warbaahinta Goobjoog oo War-saxaafadeed kasoo saaray Cidda uu u xiran yahay Weriye C/casiis Gurbiye (Akhriso)

    April 14, 2020Updated:April 14, 20203 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warbaahinta Goobjoog ayaa War-saxaafadeed kasoo saartay xariga tifaftiraheeda C/casiis Axmed Gurbiye oo maanta lagu xiray magaalada Muqdisho.

    War-saxaafadeedka ayaa lagu faahfaahiyey sida uuu dhacay xariga C/casiir Gurbiye iyo xiriirka dhex maray Taliska Booliska iyo Warbaahinta, kadibna looga yeeray saldhiga degmada Hodon, halkaasoo lagu xiray, iyadoo sharci darro ku tilmaantay xarigiisa, iyadoo xeer ilaalinta ay kusoo oogtay dacwad ka timid Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

    AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    Maamulka Warbaahinta Goobjoog wuxuu la wadaagayaa dadweynaha Soomaaliyeed xariga sharcidarrada ah ee lagula kacay Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Weriye Cabdicasiis Axmad Gurbiye una dhacay sida soo socota:

    1. Hoggaanka Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa la soo xiriiray Maamulka Warbaahinta Goobjoog xilli habeennimo si loo soo gaarsiiyo dacwad ka dhan ah weriyaha xorriyadda laga qaaday Mudane Cabdicasiis Gurbiye isla markaasna ku amray in xilligaas habbeennimo aynu tagno Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan.
    2.  Iyadoo hannaanka sharci ee u yaalla Dalka uusan ogolaaneyn in wixii ka dambeeya 06:00 fiidnimo – sida ku cad Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed – aanan qof la gaarsiin karin AMAR la xiriira xorriyad ka qaadis; haddana Maamulka Warbaahinta Goobjoog, iyaga oo kalsooni ku qaba in hawlaheeda warbaahin ay u fuliso si aan ka soo horjeedin shuruucda Dalka, ayey u hoggaansantay farriintii la soo gaarsiiyey, waxaana durbadiiba Maamulka Warbaahinta Goobjoog iyo Tafaftire Cabdicasiis Gurbiye u dhaqaaqeen xilligaas iney ka soo garnaqsadaan cidda dacwadda u heysata.
    3. Waqti yar kaddib, Taliskii Booliska ayaa mar kale ina soo gaarsiiyey farriin kale oo nuxurkeedu ahaa inaan subaxa hore ee taariikhdu tahay 14ka Abriil aan tagno Saldhigga Booliska Hodan.
    4. Subaxdii 14ka bisha Abriil, Maamulka Goobjoog iyo Tifaftire Cabdicasiis Gurbiye waxa ay tageen Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan. Mudo saacado ahna waxa ay ku xayirnaayeen xafiiska Saldhiga Booliska Hodan, iyaga oo aan la kulmin ciddii dacwada ka soo gudbisay. Markaas mudo yar kadib, waxaa Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Mudane Cabdicasiis Gurbiye lagu wargeliyey in uu u xiranyahay dacwad uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo wakiil ka ah Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Isla markiiba waxaa si sharci daro ah xorriyadiisii looga qaaday weriye Cabdicasiis Gurbiye.

    HADABA, 

    1. Warbaahinta Goobjoog waxa ay si adag u cambaareyneysaa dhagarta loo dhigay weriye Cabdicasiis Gurbiye si looga qaado xorriyadiisa iyadoo aanan loo soo marin hannaankii sharci ee u degsanaa xorriyad ka qaadista iyo dacwad oogista ka soo horjeeda qofka insaanka ah, gaar ahaan muwaadinka Soomaaliyeed. 6. Warbaahinta Goobjoog waxa ay sidoo kale u cambaareyneysaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud oo soo maleegay dhagarta xorriyadda looga qaaday weriye Cabdicasiis Gurbiye, xafiiskaas oo awoodiisii u adeegsaday si ku takrifal ah oo hareermarsan Sharciga Dalka, isaga oo ugu adeegaya dano gaar ah.
    2. Warbaahinta Goobjoog waxa ay caddeyneysaa in xorriyad ka qaadista Weriye Cabdicasiis Gurbiye ay tahay sharci daro hareermarsan dhammaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka uu leeyahay.
    3. Warbaahinta Goobjoog wax ay caddeyneysaa in xorriyad ka qaadista Weriye Cabdicasiis Gurbiye ay qayb ka tahay olole qorsheysan oo lagu caburinayo warbaahinta dalka iyo guud ahaan xorriyada hadalka iyo afkaarta.
    4. Sidaa daraaddeed, waxa ay Goobjoog ugu baaqeysaa Taliska Booliska Soomaaliyeed in Weriye Cabdicasiis uu dib u helo xorriyadiisa, si degdeg ahna looga sii daayo xabsiga.
    C/casiis Gurbiye Farmaajo Goobjoog Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Farmaajo: “Aniga & walaalkey Abiy Ahmed waxaan khadka Telefoonka uga wadahadalnay..”
    Next Article Wasiirka Gaadiidka oo isku-shaandheyn ku sameeyay 5 Agaasime oo ka tirsan Wasaaradiisa (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo