Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalka galabta dib uga qarxay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug oo caawa iskiis u hakaday.
Dagaalka ayaa xoogiisa ka dhacay galbeedka magaalada oo ay isku hor fadhiyeen, waxaana la is weydaarsaday hubka waaweyn sida madaafiicda iyo taangiyada, iyadoo ciidamada lugta ay qeyb ka ahaayeen dagaalka.
Qasaaraha dagaalka ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan, waxaana la sheegay ub lagu dilay dagaalkii maanta ilaa 5 qof oo dhamaantood ah ciidamadii dagaalamay.
Isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyay dhaawacyo marka la isku daro ka badan 15 ruux, iyadoo tiro meydad ahna la dhigay isbitaalada.
Dagaalka ayaa iskiis u istaagay xilliga habeenimo, waxaana jira warar sheegaya in ciidanka Puntland dib looga riixay aagga dagaalku ka dhacay.
Wadani.com