Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Warbixin ku saabsan Hoggaamiyeyaasha Labada Kuuriya oo kulan taariikhi ah yeelanaya

    Warbixin ku saabsan Hoggaamiyeyaasha Labada Kuuriya oo kulan taariikhi ah yeelanaya

    April 26, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Kuuriyada Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa kulmi doona maalinta Jimcaha ah, arrintaas oo ah dhacdo dublamaasiyadeed oo aan la arkin toban sano ka badan.

    Wadahadalkan naadirka ah ayaa imanaya bilo uu soo hagaagayay calaaqaadka labada dal wuxuuna waddada u xaarayaa wadahadallada la qorsheeyay in ay yeeshaan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

    Kalaabashada barnaamijka nukliyeerka iyo ammaanka ayaa harayn doona ajendeyaasha shirka, inkastoo dadka arrimahan taxliiliya ay ka biyodiidan yihiin in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasuli doonto hubkeeda nukliyeerka.

    Miiska wadahadalka waxaa kale oo laga yaabaa in la keeno arrimaha ay kala tabanayaan sida qoysaska labada dhinac ku kala xanniban iyo cunoqabataynta.

    Waa kulan wayn. Waana markii koobaad ee hogaamiyeyaasha labada Kuuriya ay kulmaan tan iyo sannadkii 2007dii. Waana markii koobaad ee shir noocan ah uu galo Kim.

    Kulani wuxuu ka duwanaan doonaa midkii uu Kim la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, kaas oo aad loo qariyay lana xaqiijiyay markii uu dhammaaday ka dib, midkan ayaase si toos ah looga baahin doonaa telefeshinnada.

    “Waa xalfadda soo bixitaankiisa” ayuu yiri James Kim oo madax ka ah mac’hadka daraasaadka ee Kim Jong-un.

    “Wuxuu ku taagan yahay waddadii aabihii ” Kim Jong-il ayaana la kulmay madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed sannadkii 2000 mar kalana wuxuu la kulmay Roh Moo-hyun sannadkii 2007.

    Kulankaas ayaa loo qaabeeyay in looga wadahadlo halista nukliyeerka iyo sidii labada Kuuriya ay isu kaashan lahaayeen.

    Kim Dae-Jung ayaana arrintaas ku mutaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

    Kulankii wakhtigaas ayaa xoogaa miro dhalay waxaana la sameeyay xarun warshado oo dhanka Waqooyiga Kuuriya laga dhisay, qoysas uu dagaalku kala qoqobay ayaana dib u midoobay.

    Balse Kuuriyada Waqooyi ayaa dib u billawday daandaansigii nukliyeerka waxaana arrintaas ku darsantay xukuumaddihii Seoul oo meel adag ka istaagay Pyongyang ayaana naaqusisay dadaalladii nabadda.

    Intaas wixii ka dambeeyayna dadaalladii Kuuriyada Koonfureed ay ku faquuqaysay Kuuriyada Waqooyi ayaa la dhaliilay.

    Dr Kim oo ka tirsan mac’hadka Asan Institute-na wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dadka Kuuriyada Koonfureed ay qabaan in dhaqaalihii la siiyay Kuuriyada Waqooyi ee loogu talagalay in Kuuriyada Waqooyi ay ku joojiso hubkeeda nukliyeerka ah, in aan loo isticmaalin sidii loogu talagalay.

    Kim Jong-un Korea North Korea
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO: Warbixin Xaaladda dib u dhiska Magaalada Muqdisho kadib Qarixii Soope & Caqabadaha heysta
    Next Article Xildhibaan Fiqi oo soo bandhigay Qodob halis ah oo ku jiray Dastuurkii la xaday ee C/weli Muudey [Qormo xiiso leh]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo