Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Warbixin ku saabsan saddexda kooxood ee isku heysta maamulka Gobolada Dhexe & cidda ka danbeysa (Faaqidaad)

    Warbixin ku saabsan saddexda kooxood ee isku heysta maamulka Gobolada Dhexe & cidda ka danbeysa (Faaqidaad)

    March 25, 2015Updated:March 25, 20154 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dadaalkii loogu jiray maamul u sameynta goboladda dhexe ayaa qarka u saaran in lagu kala qeybsamo iyadoo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu dadaalkii ugu danbeeyay ugu jiro badbaadinta kala jab ku yimaada maamulkaasi, waxayna wararku sheegayaan in saddex qeybood loogu kala qeybsan yahay dhismaha maamul  KMG ah oo ay yeeshaan goboladaasi.

    indha06

    1. KOOXDA DHUUSAMAREEB

    Kooxdani waxaa saldhig  u ah oo gogosha u dhigay beesha Ceyr inteeda badan, waxaana kadib ku biiray xubno kala duwan oo saameyn ku yeeshay, iyadoo ay taageero ka helay beelaha degaankaasi intooda badan oo gaaraya 13 beelood. Kadib furitaankii shirkaasi waxay odayaasha isugu tegay Dhuusamareeb fadhiya is tuseen inaysan dan badani ugu jiran shir ay u tagaan degmada Cadaado, waxaana ugu wacan iyadoo ay saameyn ku yeesheen siyaasiyiin ku xiran Itoobiya.

    Dhibaatada ugu weyni waxay noqotay kalsooni darro dhex taalla reer Cadaado iyo Dhuusmareeb oo ku saabsan mustaqbalka cidda hogaanka dowlad goboleedkaasi yeelan doonta iyo fadhiga maamulkaasi. waxaa muuqata in reer Dhuusamareeb iyo odayaasha shirkaasi fadhiya aysan ku qanacsaneyn shirka Cadaado, iyagoo u arka in taladu farahooda ka bixi doonto haddii ay xitaan shirka Dhuusamareeb.

    [ad name=”HTML-2″]

    2. KOOXDA CADAADO

    Kooxdani waxaa saldhig u ah beesha Saleebaan, waxaana jiray qorshe hore oo dowladda federaalka dhigtay kaasoo heshiis lagu ahaa in shirka maamul u sameynta gobollada dhexe lagu qabto Cadaado. Waxaa reer Cadaado ay isbaheysi leeyihiin Galmudug ama haddii si kale loo yiraahdo waxaa is fahamsan maamuladii Galmudug iyo Ximin & Xeeb, laakiin waxay isku haleeyeen dowladda Federaalka iyagoo sidaas ku waayay taageerada beelihii kale ee gobolka la deganaa oo dhinaca Dhuusmareeb raacay.

    Kooxda Cadaado waxaa ka go’an in shirka maamulka lagu dhisayo ay marti geliyaan, iyagoo heshiis hoose kula jira madaxda dowladda federaalka, laakiin marka ay ugu fiicnaato waxay ku tiirsan yihiin dadaalka madaxweynaha oo haddii uu fashilmo, shirkoodiina meesha ka baxayo ay qeyb ka mida kooxo is haya ay noqon doonaan.

    3. KOOXDA GURICEEL

    Kooxdan waxay soo baraarugtay xilli danbe, waxaana iyadoo dhan abuuray ama gadaal ak riixaya Itoobiya oo laga yaabo inay raacdo-reeb u yihiin, waana xaalad gaara ah iyadoo muddooyinkii ugu danbeeyay caddeeyay inaysan taageersanayn dhammaan maamul usameynta socota, iyaguna ay xaq u leeyihiin. Kooxdani oo heshiis KMG ah oo xabad joojin ah kula jira dowlada Federaalka waxay dhinac xagjir ah ka taagan tahay labada kooxood ee is haya, waxaana jira qorshe kale oo kooxdan ku jira shir kale oo laga yaabo inuu ka dhaco degmo kamida  Galgaduud oo looga dhawaaqayo shir kale oo maamul loogu dhisayo gobollada dhexe.

    Marka aad eegto sida wax u socdaan waxaa kuu soo baxaysa in waxa ugu weyn ee la isku heysto ay tahay hogaanka maamulka la dhisi doono oo u baahan in haddaba laga heshiiyo oo cidda ay quseyso isla gartaan inta aan shirba la furin mid socdana la xirin. Madaxweynaha iyo dowladda federaalka waxaa ka muuqda inay wax u qarsoon yihiin laakiin la wada ogyahay taasoo ah inay C/kariin Xuseen Guuleed u dooneyso hogaanka Gobollada Dhexe maamulkiisa inta ay taasi jirtana waxaa jiri doona is mari waaga dhex yaala dhinacyada iyo beelaha ay isu keentay degaaadaa gobolada dhexe.

    GOBOLADDA DHEXE

    Waxaa meesha ka baxay mushaxirii Aala-sheekh ee , waxayna hadda sheekadu u muuqataa mid isugu biyo shubatay labada siyaasi ee C/kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed C/salaan Xaaji

    Ugu danbeyn waxay xaajadu ku danbeyn doontaa is afgarad madaxweynuhu dhaliyo isagoo runta ka sheegaya waxa dowladiisu damacsan tahay ama kala jab ay ka dhashaan laba ilaa saddex maamul oo kala duwan taasoo ayaandarro ku noqon doonta dadka dhibaateysan ee gobolkaasi, waxaana xusid mudan iyo madaxda, siyaasiyiinta iyo odayaasha fara badan ee ku qulqulaya degmooyinkaasi ay intooda badan weligood halkaasi u tegin wax u qabashada dadka ee ay geysay oo qura xil iyo kursi raadis.

    Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-5″]

    [ad name=”HTML-4″]

    Ahlu sunna Axmed C/salaan C/kariin Guuleed Cadaado Dhuusamareeb Maamulka Gobolada Dhexe
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXasan Sheekh & Dhuusamareeb: Qorshaha Madaxweynaha iyo caqabadaha horyaalla
    Next Article Nabad-doon caan ah oo aflagaado uga aargoostay madaxweyne Xasan Sheekh wahadalka Dhuusamareeb

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Taliyeyaashii Dhulka iyo Ciidamada Gaarka ah oo Xilalkii laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

    November 3, 2024

    Isbedel ku yimid Xukuumada Somaliya (Magacyada RW ku xigeenka cusub iyo Wasiirada la magacaabay)

    October 22, 2024

    Madaxda Dalalka Somaliya, Masar iyo Eritrea oo ku shirsan Asmara iyo Isbaheysi cusub..

    October 10, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo