Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta u duulo dalka Imaaraadka Carabta. Safarkan oo noqonaya kii labaad ayaa ka danbeeyay markii casuumaad rasmi ah Imaaraadka u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo, taasoo ka dambeysay safarkii uu markii madaxweynaha Masar oo arrintan soo dhex galay.
Dowladda Imaaraadka ayaa cadaadis weyn ku heysay dowladda Farmaajo iyadoo abaabushay, dhaqaalena siisay siyaasiyiin iyo madax hore oo Muqdisho ka bilaabay olole ka dhan ah hoggaanka Madaxweyne Farmaajo, waxaana rajo laga qabaa in arrintaasi xal loo helo.
Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo la geleyaan heshiis danhooda ku saabsan, haddii uu ogolaadana ay u fasaxayaan dhaqaale loogu yaboohay Soomaaliya oo ay hore ugu heshiiyeen labada dhinac, balse ay soo dhex gashay xiisadda Khaliijka.
Madaxweyne Farmaajo ayaan la hubin inuu ka dalban doono Imaaraadka inay joojiso faragelinta ay ku heyso maamul Goboleedyada iyo lacagaha ay siiso madaxda maamulladaasi oo ay ku soo biireeen siyaasiyiin doonaya inay xilka ka ridaan.
Wadani