War naxdin leh ayaa hareeyay magaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kadib markii shalay Duhurnimadii lagu gowracay wiil 5 sano jir ahaa oo xilligaasi la jiifay caruurta kale bannaanka gurigooda oo ku yalla xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.
Caruurtii kale ee wiilka la gowracay la joogtay ayaa sheegtay in nin dheer oo xiran dhar-cad uu falkaasi geystay, isagoo kadibna meesha isaga tegay. Waxaa laga war helay wiilka oo gowracan iyo caruur naxsan, iyadoo markaas kadib ay dadka magaalada ku soo xoomeen halka falkaasi ka dhacay.
Meydka wiilka yar ayaa la geeyay isbitaalka magaalada, waxayna qoyska wiilka ay sheegeen in caruurta ay keligooda ahaayeen, hooyadoodna ay ka maqneyd guriga, isla markaana aysan garaneynin sababta loo dilay ee falka foosha xun loogu geystay wiilkan yar ee saqiirka ah.
Hooyada dhashay wiilka sida naxdinta leh loo dilay ayaa sheegtay inay arrintan tahay qadar Alle, qofkii dilayna uu isagu dhib ku qabo, waxayna iyagoo murugeysan sheegtay inay ku samirtay qadarta Alle.
Falkan ayaa ah mid ku cusub magaalada Beledweyne, waxaana la ogeyn ujeedka dilka wiilka yar ee shan sano jirka ahaa.