Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»WARBIXIN: Sidee Gobolka Banaadir ku waayay inuu Xubno ku yeesho Aqalka Sare..?

    WARBIXIN: Sidee Gobolka Banaadir ku waayay inuu Xubno ku yeesho Aqalka Sare..?

    September 12, 20162 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dood dheer, dagaal siyaasadeed, guddiyo la sameeyay iyo shirar is daba joog ahaa oo Madasha Qaran ay yeelatay ayaa ugu danbeyn ku soo idlaaday in Gobolka Banaadir aanu wax metelaad ah ku yeelan Aqalka Sare.

    Madaxda-Madasha
    Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo ah mid ku cusub Soomaaliya, isla markaana aqoonyahano badan ka digeen inuu caqabado siyaassadeed abuuri doono ayaa lagu saleeyay 18 Gobol, sida ku qoran Dastuurka KMG ah, laakiin waxay Madashu u bedeshay qaab maamul Goboleed jacbur ah iyadoo Somaliland loo niyeystay inay tahay maamul Goboleed.

    Shirkii ugu danbeeyay ee madasha oo Muqdisho ku dhamaaday maanta inkastoo aan war rasmi ah laga soo saarin, xogta ay heshay goobjooge.com ayaa ah in laga gaaray heshiis maamulka Gobolka Banaadir aanu metelaad ku yeelan Aqalka hoose. (Akhri Heshiiska)

    Dadaalkii ugu danbeeyay ee loogu jiray in maamulka Gobolka Banaadir xubno laga siiyo Aqalka Sare ayaa ku dhammaaday guuldarro markii lasoo jeediyay in 15 loo qoondeeyo, isla markaana loo qeybiyo beelaha Soomaalida, taasoo keentay in madaxdii maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee sida weyn ugu doodeysay in xubno laga siiyo Gobolka Banaadir ay ka noqdeen dalabkooda.

    Gobolka Banaadir oo ah fadhiga dowladda Federaalka, Gobolka ugu dadka badan Jamhuuriyadda, isha dhaqaalaha dowladda oo dhami ku tiirsan tahay, Dhaqaalihiisa loo qeybiyo maamulada kale, dadka degan ay yihiin kuwa kaliya ee canshuurta siiya dowladda Soomaaliya waxay noqdeen kuwo aan wax metelaad ah ku lahayn Aqalka Sare ee ku cusub dalka.

    Waa taariikh madow oo qorantay iyo mas’uuliyad darro ay dhabarka saarteen kuwa xilligan xilka haya haddii ay yihiin heer gobol iyo heer qaran, haba ugu darnaado madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna caddeyn kale u tahay in Soomaalidu aanay weli ku heshiin qaab ay dowladnimadii ka burburtay dib ugu dhistaan.

    WARBIXINTA GOOBJOOGE.COM

    Aqalka sare Madasha Qaran Maqaamka Muqdisho Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShariif Xasan: “Aqalka sare ayaa dooda ugu badnaa, waana laga heshiiyay..” [DHAGEYSO]
    Next Article DHAGEYSO: Xasan Sheekh oo Jawaab culus u diray Musharixiinta Aflagaadeeya Dowladnimada

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo