Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»WARBIXIN: Weerarkii ugu Cuslaa ee Baraha bulshada oo ku socda Madaxweynaha & Ra’iisal Wasaaraha [Akhriso]

    WARBIXIN: Weerarkii ugu Cuslaa ee Baraha bulshada oo ku socda Madaxweynaha & Ra’iisal Wasaaraha [Akhriso]

    September 2, 2017Updated:September 2, 20173 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Tan iyo wixii ka danbeeyay weerarkii degaanka Bariire ee dadka lagu laayay waxaa mar qura is bedelay taageeradii madaxda dowladda Soomaaliya ka heystay dadka gaar ahaan kuwooda adeegsada baraha bulshada.

    Arrintay waxay cirka isku shareertay markii dowladda Soomaaliya ay Itoobiya u gacan gelisay sarkaalkii ONLF ee C/kariin Qalbi-dhagax waxaana Baraha bulshada ka dhacay wax lagu tilmaami karo kacdoonkii ugu weynaa ee Soomaali ka fal celiso tallaabo ay dowladdu ku dhaqaaqday.

    Kiiskan wuxuu dib u soo nooleeyay Soomaalinimo iyadoo dadka ugu badan ay ka xanuunsadeen in qof Soomaali ah dowladiisa u gacan geliso Itoobiya, waxaana 98% dadka baraha bulshada adeegsada ay ka hor u yimaadeen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha.

    Faallooyin laga sameeyay hambalyadii ciidul adxaa ee ay barahooda ku qoreen madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre waxaa laga dheehday boqolaal qof oo kan ugu yar uu weydiinayo halkii ay geeyeen C/kariin Qalbidhagax, halka qaar kale ay sheekadu la gaartay lacnad iyo haddalo ka darran.

    Dadka ku haray taageerada madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ayaa noqday kuwa loo shaqaaleeyay dacaayad u sameynta madaxda, qaar la kireysay, qaar qabyaalad darteed shar iyo kheyr ku raacsan iyo qaar yar oo u baqaya dowladnimada.

    Dowladii shacabka ee Farmaajo iyo tageeradii weyneyd ee baraha bulshada ay ku lahayd waxaa isku fuuqsaday kiiska Qalbi dhagax, waxayna mar kale dadka ka aamin baxeen markii ay awoodi waayeen inay si cad umadda u hor yimaadaan oo runta u sheegaan ugu yaraan.

    Qaar baa ku doodaya in madaxweynaha la khiyaamay, kuwo kale ayaa difaac ka dhigtay in sarkaalka la dhiibay uu Itoobiyaan ah, qaar kalena waxay sheekadu la gashay Itoobiya ayaa fashilineysa madaxdii dadku jeclaa.

    Waa yaabe sidee madaxweyne umad dhan dooratay loo khiyaami karaa oo kiis intaas la eg looga hoos bixin karaa??!, haddiise uu sidaasi ui jilcan yahay sidee dalkan ku hoggaamin karaa?. Haddii Qalbidhagax Itoobiyaan yahay, Imisa wasiir iyo madax oo ka mida dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiyaan noqon doona, lana dhoofin doonaa? maxaase dowladda Soomaaliya iyo sirdoonkeeda ku qasbay kiis ay ka maarmi kareen?. Waxa ugu horeeya ee madaxweyne Soomaaliyeed laga filayay waxay ahayd inuu la yimaado siyaasad uu damaca iyo shiqoolada Itoobiya kula tacaali karo, haddii kii la doortay uu lix bilood qura ugu gacan galay… aaway amaanadii loo dhiibtay iyo kartidii lagu doortay..?

    Marka xaqiiqada la waayo waxaa suuqa qabsada wax kasta oo buuxin kara, waxaana war noqda qodob kasta oo kuwa qarinaya lidi ku ah, waana taas halka ay arrintu beeshay… iyadoo aan joogno duni aan xaqiiqada la oodi karin.

    HOOS KA AKHRISO WEERARKA BARAHA BULSHADA EE KU SOCDA FARMAAJO & KHEYRE

    MADAXWEYNAHA

    Kheyre

    RA’IISAL WASAARAHA

    Ciid Mubaarak Ummada Muslimka ah gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed Meel Kastoo aad joogtaan Ku Ciida Nabad iyo Farxad.#NabadIyoNolol pic.twitter.com/uPVVhVXCh9

    — OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) September 1, 2017

    C/kariin Qalbi dhagax Facebook Farmaajo Kheyre Madaxtooyada ONLF Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFarmaajo & Kheyre oo oo shaqaaleystay 650 qof oo Dacaayad & Xayeysiis u sameynaya! {Warbixin}
    Next Article ’’FORMAGGIO’S FIASCO’’: Alleylehe shil Qaran baa dhacay [Akhriso Qormo muhiim ah]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo