Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Warbixin xasaasi ah oo ku saabsan 11 heshiis oo dowladda Federaalka la gashay shirkado ajnabi ah

    Warbixin xasaasi ah oo ku saabsan 11 heshiis oo dowladda Federaalka la gashay shirkado ajnabi ah

    April 14, 2015Updated:April 14, 20154 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dhowaan ayay ahayd markii Guddi dalalka deeqda siiya Soomaaliya u qaabilsan kormeerka dhaqaalaha la siiyo dowlada Federaalka Soomaaliya ay caddeeyeen in heshiisyada waaweyn ee dowladda Soomaaliya gashay iyo qandaraasyada ay bixisay labadii sano ee la soo dhaafay (intii uu xilka hayay madaxweyne Xasan Sheekh) aysan ahayn heshiisyo loo tartmayay  oo sharci ah, loona baahan yahay in din looga wadahadlo ama la baabi’iyo.

     

    Arrintan dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ka dhigeysa dowlad musuqmaasuq ku talax tagtay waxaa bartamihii Febraayo 2015 wax ka qortayWakaalada wararka Reurters oo sida ay sheegtay soo xigatay warbixin qarsoodi ah oo guddigu lagu magacaabo Finance Governance Committee (FGC) soo saareen markii ay dib u eegis ku sameeyeen heshiisyada iyo qandaraasyada ay bixisay dowladda.

     

    centran-bank-of-somalia

    Guddigan ayaa beesha caalamka u sameysay sidii ay dowladda Soomaaliya uga saacidi lahaayeen inay dhaqaalaha soo gala u maamusho si sharci ah.Guddigan waxaa la dhisay kadib markii dalalka deeqda bixiya ay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya qaabka ay u maamusho hantida Qaranka. wuxuuna guddigani ka kooban yahay lix xubnood oo saddex ka mida ay ka socdaan Bankiga adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bankiga horumarinta Afrika, iyadoo saddexda xubnood ee kalena ay dowladda soo xushay.

     

    Dowladda Soomaaliya waxay gashay heshiisyo shirkado shisheeye ay ku wareejisay maamulka Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo weliba shirkado la siiyay ruqsad ay uga kaluumeystaan biyaha Soomaaliya, laakiin waxay heshiisyadan qaabka lo galay careysiiyeen dadka Soomaaliyeed oo baarlamaanku ugu horeeyo iyo beesha caalamka oo ka walaacsan sida loo maamulayo hantida qaranka, iyadoo qaabka sharcigu ahaa in guddi iib qaran ah loo xilsaaro arrintaasi oo si furan laguna tartamo loo bixiyo haddiiba ay dhacdo in heshiisyo la galayo ama qandaraasyo dowladdu bixinayso.

    Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku guuldarresytay inuu sharciga  waafajiyo heshiiyadii Garoonka iyo Dekadda Muqdisho, kadib markii wasiiro ka amar qaadanaya madaxweynaha ay heshiisyadaasi galeen.

    Guddiga Finance Governance Committee (FGC) warbixintiisii soo baxday Janaayo 2015 waxay ku sheegeen inay dib u  eegis ku sameeyeen 9 heshiis oo ka mida 11 heshiis iyo qandaraas oo dowladda Federaalka ay bixisay. Waxayna arrinta ku soo gunaanadeen: In 11 heshiis midkoodna aan loo tartamin, isla markaana aan wax qodobo sharci ah ama shuruudo loo eegayo la marin.

    Heshiis ay guddigani dib u eegis ku sameeyaan balse aan ka mid ahayn 11-ka heshiis ee hore ayaa la sheegay inay dowladda Federaalka ka noqotay, heshiiskaas oo dowladu la gashay shirkad Mareykan ah oo lagu magacaabo Shulman Rogers si ay dib ugu soo celiso hantidii Soomaaliyeed ee dalalka dibadda lagu xayiray kadib 1991.

    Guddigani wuxuu kaloo soo jeediyay in la laalo heshiiska dowladda Soomaaliya la gashay Shirkadda  lagu magacaabo AMO Shipping Company Ltd,  heshiiskaas oo la saxiixay July 29, 2013, wuxuu ku saabsanaa in shirkaddu keento lix Doon oo  ilaalinta xeebaha loo adeegsado qiimahooduna gaarayo 150 Milyan oo doolar  132 million euros ($150 million); waxayna gudddigu sheegeen inay lacagtaasi tahay mid aad ugu badan marka loo eego dowlad miisaaniyad sanadeedkeedu yahay $216 Milyan oo doolar.

    Heshiis kale oo  Guddigu cambaareeyay wuxuu ahaa mid lala  saxiixday FishGuard Ltd 25 July, 2103 oo ah shirkad ka diiwaan gashay Mauritius oo ay leeyihiin saraakiil hore oo Ingiriis ah. Shirkadani waxaa xaq loo siiyay inay bixin karto ruqsada kalluumeysiga biyaha Soomaaliya iyo ilaalinta kheyraadka Badda.

    Sidoo kale wuxuu guddigu soo jeediyay in dib looga wadahadalo heshiisyada lala galay shirkadaha Turkiga ee hadda maamula Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho oo ah ilaha ugu waaweyn ee dowladdu dakhligu ka soo galo.

    Heshiiska shirkadda Albayrak Turizm Insaat Ticaret kula wareegtay maamulka dekadda waxay Guddigu FGC ku baaqeen in si saaxiibtinimo ah dib looga wadahadlo qodobadda dhibaateysan ee quseeya sida dhaqaalaha loogu qeybinayo dowladda iyo shirkadda Albayrak. waxayna guddigu sheegayaan in dowladda ay ka dhawaajisay isbedel lagu sameeyo qodobadani.

    Sida Guddigu sheegayo waxaa kaloo wax ka bedel u baahan heshiiska shirkadda Favori LLC ee June 30, 2013 kula wareegtay maamulka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, heshiiskaas oo aan ahayn mid saxan, isla markaana qiimaha Favori loo qoondeeyay uu yahay mid baahsan oo aan saleysneyn.

    Qoraal ku taariikheysnaa 20-kii Oktoobar 2014 oo wasiirkii Maaliyadda ee hore Xuseen Cali Xalane u qoray guddiga FGC ayuu ku sheegay  wasiirku in dowladda iyo shirkada Favori ay isla garteen inay dib uga wadahadlaan heshiiska.

    Tarjumadii iyo diyaarintii Wadani.com

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-6″]

    [ad name=”HTML-1″]

    Dowladda Federaalka Finance Governance Committee Heshiis
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaa ka khaldan heshiiska dowladda Federaalka & dowladda Puntland…? (Faaqidaad qodobada heshiiska cusub)
    Next Article DEGDEG: Weerar is miidaamin ah iyo dagaal lagu galay Xarunta wasaaradda Tacliinta Sare

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo