Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»WARBIXIN XASAASI AH: Xuseen C. Xalane oo noqday caqabad hor taagan magacaabidda Golaha wasiirada cusub

    WARBIXIN XASAASI AH: Xuseen C. Xalane oo noqday caqabad hor taagan magacaabidda Golaha wasiirada cusub

    January 8, 2015Updated:January 8, 20155 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    XUSEEN CABDI XALANE, WASIIRKA MAALIYADDA, MUSHARAX RA'IISAL WASAARE
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sii-haya wasiirka Maaliyadda xukuumadii kalsoonida weyday Xuseen Cabdi Xalane ayaa noqday caqabada ugu weyn ee ay isku mari la’ yihiin madaweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, taasoo hakisay horumar laga gaaro magacaabidda Golaha wasiirada cusub ee la wada sugayo.

    Madaxweynaha ayaa ku adkeysanaya in Xuseen Cabdi Xalane loo magacaabo Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka Maaliyadda xukuumadda cusub, laakiin waxaa arrintaasi ka horjeestay Ra’iisal wasaaraha oo sababo dhowr ah dartood uga hor yimid, iyadoo la ogyahay in qofkii ugu horeeyay ee madaxweynaha kala dardaarmay inta aanu xilka u magacaabin uu ahaa wasiirkan hore ee khilaafku ka taagan yahay Mr. Xalane.

    XUSEEN CABDI XALANE, WASIIRKA MAALIYADDA, MUSHARAX RA'IISAL WASAARE
    XUSEEN CABDI XALANE, SII HAYAHA WASIIRKA MAALIYADDA

    Wadani.com waxay dib u eegis ku sameyneysaa mowqifyada labada mas’uul iyo taxanaha muranka siyaasadeed ee salka dhigtay shaqsiyadan ka dhex muuqata xukuumadihii isaga danbeeyay dalka.

    MADAXWEYNAHA IYO XUSEEN CABDI XALANE

    Waxaa markii ugu horeysay wasiirka maaliyadda uu ka noqday Dr. Xalane xukuumadii Farmaajo ee xilligii KMG ahaa, waxaana xiligaas lagu tilmaamay inuu ahaa shaqsi howl fiican qabtay oo ka dhex muuqday wasiiradii markaas jiray.

    Ridistii Ra’iisal wasaare Saacid ka dib wuxuu Xuseen Cabdi Xalane ka mid noqday musharixiintii safka hore ka soo galay jagada ra’iisal wasaaraha, waxaana si weyn u taageerayay Faarax Sheekh C/qaadir, nasiib darro inkastoo uu qarka u saarnaa in xilkaas loo magacaabo waxaa cadaadis weyn kadib oo la saaray Madaxweynaha jagadaas ku soo baxay C/Weli Sheekh Axmed.

    Madaxweynaha ayaa markaas kadib la soo shir tegay in Xuseen Cabdi Xalane laga dhigo Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka Maaliyadda, waxaana arrintaas iska diiday C/weli Sheekh, waxayna murankii ka dhashay arrintay ay keentay in la isku mari waayo magacaaabidda Golaha wasiirada ee xilligaasi, waqti dheeraad ahna loo baahday, murankaasi waxaa lagu xaliyay in wasiir maaliyadeed laga dhigo Xalane, inkastoo markaas xildhibaanada beelaha Daarood iyo beeshiisa Absame ay qoraal u direen madaxweynaha kana hor jeesteen in wasiir loo magacaabo Xalane.

    Dhismihii xukuumada C/weli kadib wuxuu Xuseen Cabdi Xalane ahaa wasiir aan ka amar qaadan Ra’iisal wasaarihiisa oo si toos ah ugu xiran madaxtooyada, waxaana dhaqaalaha dowladdu noqday mid ay ku heshiiyaan wasiirka, madaxweynaha iyo wasiiru-dowlaha maaliyadda C/llaahi Maxamed Nuur. Ra’iisal wasaare C/weli waxaaba yareyd awoodda uu ku leeyahay wasiirada Maaliyadda, Arrimaha dibadda, Dekadaha, Dhalinyarada iyo kuwo kale oo madaxtooyada ku xirnaa.

    Heshiiskii maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya, qorshaha hiigsiga cusub oo dhaqaalaha loogu talogalay ay kaliya isla maamulaan madaxweynaha iyo Xalane oo uu wehliyo Faarax Sheekh C/qaadir waxay keentay inuu isbaheysi xoog iyo wada shaqeyn aan caadi ahayn dhex marto Xalane, Faarax  iyo Xasan Sheekh oo dhinaca kale Itoobiya ku sii xiran, waxaana mar kale la qorsheeyay in ra’iisal wasaare loo magacaabo Xuseen Cabdi Xalane ridistii xukuumadii C/weli Sheekh kadib.

    Qorshahan waxaa mar kale ku yimid fashil markii ay ka hor yimaadeen Beesha Caalamka oo taladii la weydiiyay ka digtay in Wasiir Xalane laga dhigo Ra’iisal wasaare, waxaa kaloo sii xoojiyay in arrintaasi fashilanto xubno saaxiib la ah madaxweynaha sida Shariif Xasan iyo C/llaahi Sanbaloolshe. Madaxweyne Xasan Sheekh oo talo ku caddaatay ayaa mar kale raali gelin siiyay Xuseen Cabdi Xalane oo bedelkiis Ra’iisal wasaare u magacaabay  Cumar C/rashiid Cali.

    Kadib magacaabidiisii iyo kalsooni weyneyd ee ay siiyeen Baarlamaanka Cumar C/rashiid, wuxuu madaxweynuhu socdaal cudurdaar iyo raaligelin ah u tegay magaalada Kismaayo, halkaasoo uu balanqaad kale ku galay inuu ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka maaliyadda siin doono Xalane, isla markaana Axmed Madoobe ugu magac daray inuu yahay: Madaxweyne, maamulkiisuna noqonayo “dowlad Goboleed”, arrimahaasina wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh isu tusiyay inay yihiin waxa kaliya ee uu ku dejin karay balan ka baxyadii uu sameeyay.

    Markii la bilaabay la-tashiyada magacaabidda xukuumada cusub, mar kale ayuu madaxweynaha la soo shir tegay qorshihiisii ahaa in Xuseen Cabdi Xalane loo magacaabo Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka Maaliyadda, taasina waxay noqotay caqabadda ugu weyn ee hadda hortaagan magacaabidda Golaha wasiirada.

    RA’IISAL WASAARAHA IYO XUSEEN CABDI XALANE

    Ka sokow in haddii golaha wasiirada lagu soo daro Xuseen Cabdi Xalane uu halis ku yahay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaa kaloo taasi u wehliya xaalado kale oo aan u saamaxeynin inuu ogolaado magacaabidda Xalane, waxaana ka mida:

    = Digniin beesha caalamka ka timid iyo musuqmaasuq lagu tuhmayo Wasiir Xalane

    = Inta badan xildhibaanada Beesha Daarood oo qoraal cad u geeyay Ra’iisal wasaaraha ay ku caddeeyeen inaan Xalane wasiir loo magacaabi karin.

    = In jagada Ra’iisal wasaare ku xigeen aanay suuragal ahayn in la siiyo mas’uul ka socda Beesha Daarood ama xitaa haddii Daarood la siinayo aanu lahayn Kablalax, haddii taasi dhacdana ay keeneyso in ra’iisal wasaare kux igeeno badan badan la magacaabo, taasoo iyaduna qaab cusub ah oo yareyneysa awoodda Ra’iisal wasaaraha.

    = In Wasiirka Maaliyadda aan la siin karin Wasiir Xalane, sababtoo ah marka beel ahaan loo xisaabtamo waxaa wasiirkaas haddiiba ay Daarood helaan xaq u yeelanaya Beesha Mareexaan.

    GABAGABO

    Is mari waaga ka taagan magacaabidda Golaha wasiirada ee salkiisu yahay Xuseen Cabdi Xalane waxaa muuqata inaysan midkoodna u sahlaneyn inuu ka tanaasulo mowqifkiisa, laakiin waxaa dhici karta in khilaafkani laga wareegto haddii tanaasul yimaado. Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa mar laga soo xigtay inuu ku hanjabay inuu is casilayo hadii cadaadisku meel xun gaaro, arrintan oo la qaboojiyay si kumeelgaara waxaanu wada dhowreynaa halka xalku ka imaan doono.

    Warbixinnada Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    Caqabadda hortaagan xukuumadda cusub GOLAHA WASIIRADA CUSUB Xuseen Cabdi Xalane
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFADEEXAD: Wasiir ka tirsan xukuumada oo laga soo dejiyay diyaarad uu ka raaci lahaa Garoonka Muqdisho
    Next Article XOG CULUS: Madaxweyne Xasan Sheekh oo wacad ku maray in Golaha wasiirada lagu darayo xubno CCC diidan yahay

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Taliyeyaashii Dhulka iyo Ciidamada Gaarka ah oo Xilalkii laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

    November 3, 2024

    Qodobadda War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran & Muddo Kordhinta Maamul Goboleedyada

    October 31, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo